Golaha Wakiilada Somaliland Cod Gacan Taag ah Ku Diidey Ansixinta Xubnihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka U Metelayey Xisbiyada Ucid Iyo Wadani

HARGEYSA – (WARSOOR) – Golaha Wakiilada Somaliland Cod Gacan Taag Ah Ku Diidey Ansixinta Xubnihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka U Metelayeyย  Xisbiyada Ucid Iyo Wadani.

Golaha oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Golaha mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Waxa ka soo Xaadiray 51 Xildhibaan. Ayaa waxa ugu horayn Cv-yadooda akhriyey Xoghayaha guud ee golaha wakiilada Md Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

waxaana codkoodu u dhacay sidan

1. Cabdifatax Ibrahim Hassan Xubintii UCID
Waxa ogolaaday 29 Xildhibaan waxa Diiday 8 waxa ka aamusay 14 gudoomiyuhuna muu codaynin.

2. Maxamuud Siciid Dalmar xubintii WADDANI
Waxa ogolaaday 31 Xildhibaan waxa Diiday 6 waxa ka aamusay 14 gudoomiyuhuna muu codaynin.

Sida uu dhigayo qodobka 11aad ee xeerka Doorashooyinka madaxweynaha iyo golayaasha deegaanka farqadiisa 3aad waa in xubinta komishanka ka midka noqonaysa ay Golaha wakiilada ku ansixiyaan Kala badh iyo hal (Absolute Majority) oo noqonaysa maadaama oo goluhu 80 k kooban yahay 40+1 = 41.

Maadaama aanay helin labada xubnoodba codadkii laga rabay oo ah 41 xildhibaan waxay sidaas ku waayeen xubinimadii Komishanka Doorashooyinka.

Gudida arimaha Gudaha ayaa sidoo kale waxa ay soo jeedisay inaan la ansixinin labada Xubinoodba maadama midn uu ka hor imanayo heshiiskii 3d Xisbi iyo madaxweynaha k kalena hore u soo ajiibi waayay yeedhistii goluhu u yeedhay.