Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Rayidka Ah ee Jamhuuriyadda Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ansixiyey xeerka shaqalaha Rayidka ah, Xeer Lr-31/2020, iyadoo kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyay.

Fadhiga lagu ansixinaayay xeerkaas ayaa waxa shirgudoominayay Gguddoomiyaha Golahaasi Baashe Maxamed Faarax, waxaana in la ansixiyo xeerka shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer Lr-31/2020, ogolaaday 43, mudane, 9, mudane ayaa ka aamusay, iyaoo guddoomiyuhuna aanu  codayn sidaasina waxa ku ansaxay Xeerka shaqaalaha Rayidka ah ee Lr-31/2020.

Geesta kale Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac (C/raxmaan Xoog) ayaa sheegay in xeerkani ahmiyad weyn u leeyahay shaqaalaha iyo Qaranka waxaanu xusay in xeerkani ilaalinaayo xuquuqda shaqaalaha Rayidka ah, isaga oo qeexaya waajibaadka loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha, iyada oo xeerkani muhiim u yahay bed qabka shaqada iyo shaqaalaha isla markaana ogolaanaya in dalka laga furo ururo metela shaqaalaha Rayidka