Golaha Shacabka Soomaaliya oo soo gaba gabeynaya arinta Wasiirka Dastuurka

Muqdisho – (warsoor) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federeelka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa iney soo gaba gabeeyaan arinta Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, waxaana goor dhow furmay kulanka Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shir gudoominaya kulanka Golaha Shacabka, waxaana goob joog ah Wasiirka wasaaradda Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil oo la filayo in halkaasi uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo howsha wasaaradda Dastuurka.

Wariyaheena Ibraahim Guudle Isxaaq ayaa kusoo waramaya in kulanka uu furmay xildhibaanada golaha shacabkana ay sii wadaan doodooda ku aadan arinta wasiirka Dastuurka.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.