Golaha Horumarinta Qaranka oo Warmurtiyeed kasoo saaray Shir uga qabsoomay Garoowe

Muqdisho – (warsoor) – Golaha Horumarinta Qaranka (GHQ) ayaa  shirkiisii labaad ee sanadkan 2019-ka ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland, kaas oo furmay May 5, 2019 socdayna illaa May 6, 2019.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin:-

1- Geeddi-socodka Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo ahmiyadaha ka soo baxay wareeggi 1-aad ee Wadatashiga QHQ 9aad.

2- Hannaanka iyo qaab-dhismeedka naqshadda deeqaha “Aid Architecture”

3- Mashruuca ILED oo gobollda dalka ka dhaqan-geli doona dhawaan;

4- Waajibaadka iyo qaab-dhismeedka Xafiiska la socodka Mashaariicda Midowga Yurub (NAO) ee dalka ka socda.

5- Go’aankii Xukuumadda ee ku aaddanaa soo guuridda hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn.

6- Xaaladda roob-yarida dalka ka jirta;

Shirkan oo socday labo maalmood ayaa waxaa Gollahu bogaadiyey habsami u socodka qorista Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad, isla markaana isla qaatay saddexdii ahmiyadood ee heer qaran ee ka soo baxay wareeggii 1aad ee wadatashiga QHQ 9aad, kuwaas oo kala ah:-

1-Xoojinta siyaasadda loo dhan yahay.

2-Horumarinta dhaqaalaha.

3- Amniga iyo Sarraynta sharciga

Sidoo kale wuxuu Gollahu isla qaatay lagama maarmaannimada in dib u eegis lagu sameeyo hannaanka lagu maamulo deeqda dalka, si taas loo helo, wuxuu gollahu go’aansaday in shirka soo socda ee Somali Partnership Forum (SPF) la hor geeyo nuqul xambaarsan sida ay noqanqyso qaabka ama habka loo maamuli doono Deeqaha caalamiga ah (Aid Architecture) taas oo ay Goluhu soo diyaarin doonaan, soona bandhigi doonaan.

Waxaa sidoo kale Goluhu isku raacay:

1- In shirka kan xiga ee Golaha Horumarinta Qaranka lagu qabto caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamarreeb.

2- In shirarka Somali Development and Reconstruction Facility (SDRF), laga dhigo wareegto lagu qabanayo caasimadaha Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah.

3- In Shirka soo socda ee SDRF ka  lagu qabto Caasimadda Dawladda Puntland ee Garowe.

4- In la sii wado dadaallada lagu xaqiijinayo soo raridda hayâdaha NGO yada, lana hubiyo dhaqan-galinta go’aankii Xukuumadda Federaalka ah ee 4-tii Oktoobar 2018.

Ugu dambayn Goluhu wuxuu walaac weyn ka muujiyey roob-yarida sanadkan Gu’ga iyo abaaraha dalka ka jira, sidaas awgeed wuxuu baaq u dirayaa hay’adaha iyo saaxiibada caalamku inayt deg-deg gacan uga geystaan xaaladaha abaareed ee dalka ka taagaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.