Golaha Guurtida oo loo Qaybiyay Ajandaha Kalfadhiga 77-aad iyo Nuxurka Qodobada ku Jira

Hargeysa – (WARSOOR) – Mudanayaasha Golaha guurtida  Somaliland ayaa maanta loo qaybiyay ajandaha kalfadhiga 77-aad, oo ay ku shaqayn doonaan inta kalfadhigan.

Fadhigii maanta ee Golaha guurtida  Somaliland oo uu shirguddoominaayay Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaasi Mudane Siciid  Jaamac Cali,  ayaa xildhibaannada u soo jeediyay inay soo naaqishaan ajandaha ay ku shaqayn doonaan muddada fadhiga goluhu jiro.

Ajandahan  kalfadhiga 77-aad ee loo qaybjyay mudanayaasha golaha guurtida ayaa ka kooban  13 qodob, isla markaana looga baahan yahay mudanayaasha inay waajibkooda ka gutaan.

Sabtida ayaa doodiisa wax ka baddelka iyo kaabistiisa loo balamay.