Golaha Guurtida oo Gudi u saartay Xeerka Dekaddaha Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Golaha guurtida Somaliland ayaa guddi hoosaadka shuruucda ee golahaas ku wareejiyay xeerka dekaddaha Somaliland.

Fadhi ay yeesheen golaha guurtida Somaliland oo uu shirgudoominaayay guddoomiyaha golahaasi mudane, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayay xildhibaanada golahaasi dood ka yeesheen xeerka dekaddaha Somaliland.

Saleebaan Maxamuud Aadan guddoomiyaha golaha guurtida ayaa sheegay in xeerkaas lagu loo gudbiyay guddi hoosaadka shuruucda ee golahaas, si ay wax-ka badal iyo kaabis ugu soo sameeyaan xeerka dekaddaha Somaliland, waxaanu ku wargeliyay in ay muddo toddoba cisho ah soo haystaan.

Shirgudoonka golaha guurtidu wuxuu guddidaas shuruucda u soo jeediyay in marka ay xeerkaas waajibaadkooda ka gudaatan ay dib ugu soo celiyaan golahaas, iyadoo ansixintiisana cod loo qaadi doono.