Golaha Deegaanka Laascaanood oo Ansixiyey Xeerka Anshaxa Xildhibaanadda Golaha Deegaanka

Laascaanood – (warsoor) – Fadhi ay khamiistan yeesheen Golaha deegaanka ee degmadda Laascaanood oo uu shir gudoominaayey maayarka degmaddu ayaa lagu ansixiyey xeerka Anshaxa ee Golaha deegaanka.

Golaha deegaanka ee degmadda Laascaanood ayaan wax xeer Anshax aan lahayn muddadii afarta sanadood ahayd ee uu shaqayaayey golahan haddadda maamula degmadda Laascaanood. Golaha deegaanka oo muddadii la soo doortay ilaa hadda aan khilaaf soo kala dhegalin.

mayarka-laascaanood

Maayarka degmadda Laascaanood Cismaan Saleebaan Jaamac oo ka hadlay muhiimadda uu leeyahay xeerka Anshaxa Golaha deegaanka Laascaanood ayaa yidhi, “Sidaad ogtihiin waxaanu 29 November ansixinay xeer hoosaadkii kaasi oo aanu sugaynay ilaa muddo, waanu dhaqan galay ilaa maalintii la ansixiyey ilaa maanta. Maanta oo bishu tahay 01-dii ah waxaynu ansixinay xeerkii anshaxa. Xeerkan Anshaxu maanta laga bilaabo uu shaqaynayaa. Ashaxa cid aan la marinaynin jiri mayso”.

Maayarka Laascaanood ayaa sheegay in goluhu uu dhisi doono guddiyadda khilaafaadka dhulka iyo guddiyo kale kuwaasi oo hawlaha degmaddda isku duba ridi doona.

Halkan ka daawo warkan Golaha deegaanka ee Laascaanood:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.