Golaha deegaanka hargeysa ma yahay mid u qalma maamulka dawlada hoose mise waa ku dulsaar… Qaybtii 3aad

Qaytii 2aad waxaynu kaga soo hadalnay Xilgdudasho la,aanta Maamul xamuda iyo ku Takrifalka Hantida Qaranka ee ku hayaan Xildhibaanadii G/Deegaanka, waxaan isweydiiyey sababta waxani inoogu dhacayaan inaan akhristayaasha u soo horeysiiyo inaynu kala barano Xildhibaanada G/Degaanka si aynu u fahano waxa khaldan.

BARRO XILDHIBAANADA G/DEEGAANKA  

writingHadaan isku dayo inaan ka jawaabo su,aasha, xildhibaanada G/Deegaanka Hargeisa  waa (3) sedex Group oo mararka qaar yeesha xudoodo isku xidha marka qaarna safaaradaha kala rarta,  Group A iyo Group C  waxay iskaga soo horjeedaan siweyn, Xudooduna waxay isku furan tahay Saacada Danno shaqsiya ay kala leeyihiin  (Individual interest), waayo markasta Group C  dhagahooda waxay si toosa u maqlayaan sanqadha Gawsa hantida qaranka ee Group A burburinayaan. Habada Group C markay  waayeen awood ay kaga  riixdaan kuraasta waxa ku dhacay ( Hibernation) sidan ayey u kala baxaan 3 Group-na.

  • Group (A ) (Pande de Authorities) waa kalmad faransiisa oo lamacna ah (Tuuktii saxeexa lahayd) ,waa Xildhibaanada ugu sareeya G/Deeganka sida gudida Fulinta, Gudida Joogtada, iyo xildhibaano kale oo si hoose xulafaysi loogu naasnuujiyo Qandaraasyada waa weyn ,waxayna ku qaatan  magacyo shirkado ay sameysteen, dhulka danta Guudna waxay u qaatan siduu ukala qaalisan yahay.
  • Group (B) (Brokers) waa dilaaliinta isku xidha Shicibka iyo Pande de Authorities iyagoo uga soo dhameeya Faylasha halkay joogaanba siday faylashu u kala shilis yihiin ama kala xoor badan yihiin sharci iyo sharci daraba, waa laysku qadhaabta dhibtina waxay sitoosa ugu dhacdaa danyartii iyo masaakiintii .
  • Group (C) (Sophism) waa Suufiyaal bay noqdeen oo waa la seexiyey waliba  Hibernation baa ku dhacay hurdadana kama soo kacaan.

Xildhibaanadii G/deegaanku markay noqdeen Groups ama kooxo wey kala aamin baxeen in waxa khaldan lasaxo waxa diiday kala qob qob naanta nin walbaana waxa uu ka baqayaa in Group (C) ku soo dhaco lagu soo.

Tafaraaruqaasi bulshadu waxay kala kulantay in lawaayo himiladii iyo hiigsigii horumarineed ee lagu horumarin lahaa caasimada Hargeisa, ilaa meesha uu ka baxay adeegyadii Aas Aasiga ahaana  ee bulshadu ka sugaysay G/Deegaanka.

XOGTA QORSOON EE KARASHKA IYO MACDAADKA

Macdaadka indho sarcaadkaa ee markasta TV ga laynaga Tusayo waxa laga soo iibayey Dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay qiimuhiisu waa $2.8 Million ( Two million eighty hundred thousand Us Dollar) waana mustacmal qalabka aan cusbayn rinji Qurux badan la soo mariyey ( used china heavy trucks)  Qalabkan waxa lagu soo iibayey Siffo sharciga baal marsan lamana soo bandhigan lama Shaacin (Bid) ka Qandaraaska Waxa la helayey in Germany ama Japan laga soo iibiyo Qalab ka cusub, kana jaban, Quality ahaana ka wanaagsan  bal eeg khasaarayaashan kale.

  • Waxa ladayacay fursadii ugu qaalisaneyd, Heshiiska Qalabka waxa ku jiray Sanadka ugu horeeya in khabiiro laynoo soo diro si ay inuugu tababaraan shaqaalihii ka shaqeyn lahaa iyadoo laynoo sameynayo (knowledge Transfer) sida loogu shaqeeyo iyo cilad saaristoodaba  waxa kale oo heshiiska ku jiray in sanadkaas ugu horeeya Wadooyinka Hargeysa badankooda qalabkan laynoogu hagaajiyo  iyadoo lagu tababarayana Muwaadiniintii ka shaqeyn lahaa Qalabka si (practical) ah, fursadaa waa ladayacay lagama faa,ideyn waana qayrul masuulnimada G/Deegaanka iyo masuuliyiintiisu sameeyeen ,waxay taagan tahay maanta laba daran mid inaynu doorano.
  1. a) Sidii dhaqankeena ahayd inaynu iska fuulno Qalabka kuna barbarno ileen cilmi badan uma baahna oo cagafta iyo iska ragooyinkan waa weyn weynagan kaxaynee markaa  xaga hore iyo xaga dambaba qiiq ka sii daayo uu iska cimri degdegi muddo yar gudaheedna waa la waayi Qalabkaas Qaaligaa.
  2. b) boqolaal kun oo dollar oo kale inaynu ku bixino helida khabiiro inoo tababara muwaadiniintii ku shaqeyn lahayd qalabka, kolay waxaan anigu waxaan ku talin lahaa qodobka (b) waayo dad aqoon u leh Qalab markaynu Tababarno siwaagsan bay ugu shaqeynayaan ,Qalabkuna Cimri dheer ayuu yeelan doonaa, ileen Xildhibaanadii Fursadii Qaaliga ahayd bilaa sabab bay inagaga dayaceene.
  • Qalabkan kalasharka waxa lagu rakibay meel aan ku habooney kuna jirin dhagixii ku haoonaa inuu karasharku ridqo ayagoo helaya meelo badan oo kaga haboon , waayo physical study looma sii sameyn halka ay ugu talagaleen in lagu rakibo . waxa dhacday in dhagxaantii karasharka laga doono buura kale,shiidaal , Tayactirka baabuurta iyo waliba taayirada oo markaba ku dhamaanaya buuraha dhagaaxaanta looga soo guraayaa maaha mid aynu filaynay waxaas oo kharash ahi waa dhiig bax dhaqaale ayuu inugu yahay (economic bleeding ), waxaan xasuustay Ragii soo jeediyey xiligii Dawladii Sayaad Barre Warshada Sibidhka Berbera Kismaayo halaga Dhiso dhagaxaantana Berbera halaga soo gura , (ragi wali way noolyihiin).
  • Waxaas oo maalmul xumaa waxay ina tusaysaa inay jiraan qorshayaal Qarsoon la doonayo in lagu maamulo Karashaka iyo Qalabkan Macdaadka ah iyadoo ladoonayo in loo dhiibo maamul ka madax banaan lagana soo shaqaalaysiinayo wadamada aynu jaarka nahay sida Djibouti oo kale, waxa kaloo Qorshayaasha Qarsoon kamida  Xildhibaan G/Deeganka ka mida oo raga ay xidhiidhka hoose ee Qaadashada  mashaariicda waa weyni ka dhexayso Masuuliyaan G/deegaanka ugu sareeya ayaa lagu tala jiraa inuu qaabilsanaado kor ka maamulka karashka iyo macdaadka (as Vocult point). Waxa aan ka maqnayn Qorshayaasha in Karashka iyo Macdaadkaba laga dhigo  (PPP) (private public and Partnership) inay Xildhibaanada G/deegaanka ugu sareeyaa iyo Xildhibaano kale oo xidhiih hoose ka dhaxeeyo lawada inay Saami ku yeeshaan Qalabkan. Dhamaan arimahan hadaan laga hortagin oo aynu sugno waxaynu kale kulmi doonaa cawaaqib xumo in (1km) in hal kiimitir ba ku kaco lacag ka badan ta imika company Pravite kii inaga qaadaan  $15000 ileen meeshu waa saamiley bay noqotay  faaido doona (Profit Oriented).

Lasoco Qaybta Dambe ….

Mustafe Ismail Abdi (M Diini)

(MA Candidate) IR and Diplomacy

Mustapha20024@yahoo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.