Golaha Deegaanka Degmadda Burco Oo Laba Garab U kala Jabay

Burco – (warsoor) – Golaha Deegaanka ee degmadda Burco ayaa mudooyinkan dambe khilaaf soo kala dhex galay waxaa uu sababay in maalinimadii shalay garabka ka soo horjeeda Maayar Muraad ay ku dhawaaqeen inay xilkii ka qaadeen maayar cusub iyo maayarkii hore dib ugu magacaabay hogaanka golaha deegaanka.

Magacaabistan ayaa noqonaysa khilaafkii ugu sareeyey ee soo kala dhex gala golayaasha deegaanka ee Burco.

Xubnaha ka soo horjeeda Maayar Bruco ayaa shalay shir ku qabsaday huteel Ramaad waxaanay shirkaasi Maayar cusub u doorteen Cabdirsaaq Xuseen Shiine Faliidh, maayar ku xigeena Maxamud  Xasan Jaamac Xoday oo hore u ahaa maayar ku-xigeenak Burco.

maayar_ku-xigeenka_burco

Maayar ku-xigeenka Burco ayaa madaxweynaha Somaliland u diray baaq uu kaga dalbanaayo inuu khilaafkan Golaha soo faro-galiyo maadama ay ku eedeeyeen in Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeen Cali Xasan Maxamed Cali-mareexaan uu ku lugleeyahay khilaafkan oo uu dhinac garabka saaray.

Shirka soo horjeeda garabka Mucaaridka ayaa lagu qabtay huteel Plaza waxaana kulankaasi ka soo qayb-galay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cali Xasan Maxamed Cali-mareexaan, cuqaal, odoyaal, maayarka Burco Maxamed Cabdiraxmaan Muraad iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka Burco waxanay sheegeen in khilaafkaasi la soo afjarayo.

garabka_muraad

Maayar Muraad oo ka jawaabaya xilka qaadista ay ku sameeyeen qaar kamid ah xildhibaanadda Burco kuna doorteen maayar cusub ayaa yidhi, “Waxaan isleeyahay arinkaasi waxa uu mutaystay in lagu qoslo uun, waxaana ay iila muuqaataa in odayaashu waxii ay wadeen, hawshii iyo kaambaynkii markii uu u suuroobi waayay inay tahay xamaarasho uun, markaa waxaan isleeyahay xildhibaanadu way ku cadho burburayaan oo iyaguba way garanayaan inaanay talaabadani sax ahayn laakiin ragga waa wayni inay ilaa xadkaa salalaan maaha, caruurtaa lagu yaqaanaa salalka, laakiin in weyn oo 60 jir ah salalku waa ku xun yahay, markaa xilka qaadista waxaan u arkaaa waraabihii ku riyooday isagoo neef geela cunnaya”.

Garabka doortay maayar cusub ayaa warbaahinta qaarkood ku sheegayaa 11 xubnood, halka garabka muaraadna ay sheegayaan inay yihiin 10 xubnood. Si kastaba ahaatee, waxaa laga warsugi doonaa xukuumadda Somaliland sida ay khilaafkan u maarayso, golaha loo ilaalin lahaa midnimadiisa iyo waddashaqayntiisa.

garabka_mucaaridka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.