Golaha Cusub Ee Degaanka Degmada Ceerigaabo Oo Xilkii Kala Wareegay Golihii Hore Ee Degmadaas

Hargeysa – (WARSOOR)  – Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Ceerigaabo Cabdirisaaq Xaaji munaasibadaas oo lagu qabtay xarunta dawlada hoose ee degmada Ceerigaabo oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan wasaarqadda arrimaha gudaha Somaliland waxa hadal ka jeediyay maayarka degmada Ceerigaabo, oo dib loogu doortay xilka maayar nimo waxaanuu sharaxaad ka bixiyay mudadii uu hogaaminaayay golihii hore ee degaanka degmada Ceerigaabo wixii u qabsoomay iyo arrimaha u qorshaysan in uu ku talaabsado isagoo kaashanaaya golaha cusub ee loo doortay degmada Ceerigaabo dhawaan.

Waxa kale oo inaya munaasibadaas xilkii kula kala wareegay maayar ku xigeenkii hore ee degmada Ceerigaabo Saalax Ismaacil Cabaase iyo maayar ku xigeenka cusub Cabdiraxmaan Gaadhi Jiid, kuwaas oo munaasibadaas hadalo ka jeediyay, iyadoo sidoo kalena ay halkaas hadalo ka jeediyeen xubno kala duwan oo ka mid ah qaybaha bulshada degmada Ceerigaabo.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Eng: Axmed Cismaan Xasan oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay golihii hore ee degmada Ceerigaabo, waxaangolaha cusub ee dhawaan loo doortay degmada Ceerigaabo u rajeeyay in ay noqdaan kuwo xilkooda u guta si masuuliyadi ku dheehan tahay.

Ugu dambayn agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Siciid Axmed Jibriil ayaa sii sagootiyay golihii hore ee degaanka degmada Ceerigaabo, waxaanuu soo dhaweeyay golaha cusub ee dhawaan la doortay, isagoo xusay in wasaaradda arrimaha guduhu diyaar u tahay in golahaas la yeelato wada shaqayn wanaagsan, isla markaana ay diyaar ula yihiin wixii gacan qabad ah ee ay uga baahdaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo qaybaha kala duwan ee xukuumadda.