Golaha Ammaanka QM oo ka shiraya xaaladda Soomaaliya

NEW YORK – (WARSOOR) –  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa galinka dambe ee maanta ka shiraya xaaladda Soomaaliya, waxayna warbixin ka dhageysan doonaan Wakiilka Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan, sida ay ku soo warrameyso wariyaha VOA-da ee Qaramada Midoobay Margaret Besheer.

Shirkan oo ah mid albaabadu u xiranyihiin ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin doorashada, howlgalka AMISOM iyo arrimaha bini’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.

Beesha caamalka ayaa hore walaac uga muujisay dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashada, iyaga oo ku boorriyay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleeyadyada inay dhammeysitraan geeddi-socodka doorashada.

“Saaxiibbada Caalamiga ah waxa ay markale carrabka ku adkeynayaan walaacooda xooggan ee ah in mar walba oo uu dib-u-dhaca doorashadu daba dheeraado ay ka dhigan tahay in in badan oo wakhti iyo dhaqaale ah laga weecin doono hortebinnada muhiimka ah ee qaranka, sida ka jawaabista xaaladaha beni’aadanimo ee abaaraha, dowlad-dhiska iyo xaqiijinta amniga, kuwaas oo muhim u ah xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo daryeelka dadkeeda,” ayaa lagu yiri qoraal ay Isniintii soo saareen xubnaha beesha caalamka.

“Waxa aan si adag ugu boorrineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad Goboleed in, si waafaqsan heshiisyadii 17ka Sebteembar iyo 27 ka Maajo, ay hubiyaan in qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiba 30 la siiyo xubnaha haweenka ee baarlamaanka iyada oo loo marayo hannaan cad,” ayuu sii raaciyay war-saxaafadeedkaas.