Golaha ammaanka ee QM oo isku raacay muddo kordhinta xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

New-york – (warsoor) – Shir ay ku yeesheen magaalada New York,Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayay ku meel mariyeen qaraar waqtiga loogu kordhinayo Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM.

Golaha ayaa isku raacay in muddada xafiiska uu shaqeynayo la gaarsiyo ilaa 31 Maarso 2019,si loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah oo xafiiskaasi uu ka haya Soomaaliya,gaar ahaan taageeridda barnaamijyada horumarineed ee hayโ€™adaha dastuuriga ah ee Dalka.

Waxaa ay si weyn uga doodeen xubnaha Golaha ammaanka ee QM ahmiyadda howl galka Xafiiska UNSOM ee dadaalada nabadda, dib u heshiisiinta iyo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Soo jeedinta Qaraarka loogu kordhiyay waqtiga xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa la hayad Dowladda Britain,maadaama xafiiska shaqadiisu ay ku ekeyd 2018,balse weli ay jirto baahiyo loo qabo in mudada loo kordhiyo,si loo dhameystiro howlaha muhiimka ah ee taageeridda Soomaaliya.

Waxaa Sidoo kale qaraarkan lagu ammaanay waxqabadka dowladda Soomaaliya,iyagoo dhanka kale ayaa ku baaqaya in la sii xoojiyo dadaalada horumarineed oo ay waddo Dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Siyaasadda ee QM UNSOM ayaa loogu talagalay in dowladda Soomaaliya uu ka taageero dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha,dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Dalka,waxaana la aas aasey sanadka markuu ahaa 2013.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.