Golaha Amaanka oo Bogaadiyey Horumarka Laga Gaadhay Amaanka iyo Siyaasadda Soomaaliya afartii Sano ee u Dambeeyey

Washington – (warsoor) – Bayaan ay soo saareen Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa soo dhaweeyey horumarka ay Soomaaliya ka gaadhay afartii sanno ee u dambeeyey dhinacyadda Amaanka iyo Siyaasadda dalka Soomaaliya.

Golaha Amaanka ayaa Warbixinta ay maanta soo saareen way soo dhaweeyeen heshiiskii dhawaan hogaamiyayaasha maamul-goboleedyadda Soomaaliya ku gaadheen shirkii madasha wadda-tashiga ee lagu go’aamiyey in hanaanka doorashadda Soomaaliya uu noqdo mid 4.5, waxaanay sheegay in loo sii gogol xaadhi doorashadda 2020 ee la filaayo in Soomaaliya ay ka dhacdo in ay noqoto mid qof iyo codkii ah.

Golaha_amaanka_Qaramada_midoobay

Golaha Amaanka ayaa sidoo kale amaan u soo jeediyey ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga dalka Soomaaliya oo ay sheegeen inay ku guulaysteen inay yareeyaan khatarkii xarakadda Al-shabaab ee guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana Caasimadda Muqdisho.

Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya inay meel mariyaaan heshiiskii madasha wadda-tashiga ee lagu go’aamiyey in doorashadda 2016 ay noqoto mid lagu soo doorto madaxweynaha Soomaaliya afarta Sanno ee socodo nidaamka 4.5.

Golaha ayaa ugu dambayn waxay ka digeen in xukuumadda Soomaaliya ay isku daydo in wax muddo kordhin ah ay dalbato ama in loo sameeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.