Gobolka Tigray oo yeeshay madaxweyne cusub

ADDIS-ABABA – (WARSOOR) – Dowladda Ethiopia ayaa maanta sheegtay inay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda TPLF u magacowday madaxa dowladda ku-meel gaarka ah ee gobolka Tigray kadib heshiiskii soo afjaray laba sano oo dagaal qaraar ah.

“Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed wuxuu u magacaabay Getachew Reda madaxweynaha maamulka ku-meel gaarka ah ee Tigray,” waxaa sidaas bayaan lasoo dhigay twitter-ka ku yiri xafiiska Abiy.

Magacaabista ayaa timid maalin un kadib markii baarlamanka Ethiopia uu kooxda TPLF ka saaray liiska rasmiga ah ee ururada argagixisada, taasi oo ah tallaabo lagu xoojinayo heshiiska nabadeed ee dowladda iyo mucaaradka ay gaareen November 2022.

TPLF oo mar ugu awood badneyd siyaasadda Ethiopia, ayaa waxaa si rasmi ah argagixiso loogu calaamadeeyey May 2021, lix bil kadib markii dagaalka uu qarxay.

Getachew, oo la-taliye u ah hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, ayaa sidoo kale mar ahaa wasiirka isgaarsiinta dowladda federaalka, xilligii ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn, oo xukunka hayey 2012 illaa 2018.

Heshiiska lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria ayaa waxaa qeyb ka ah in TPLF ogolaatay inay hubka dhigto, si loo soo celiyo marinadii gobolka Tigray oo dunida inteeda kala laga go’doomiyey intii uu socday dagaalka.

Tan iyo markii heshiiska la saxiixay, waxaa dib u billowday adeegyada aas-aasiga ah qaarkood iyo gargaarka la gaarsiinayo Tigray, oo wajahay cunto yari aad u darran, shidaal iyo dawo la’aan.

Weli waxaa xaddidan xogta laga heli karo gobolka, waxaana macquul aheyn in si mdax-banaan loo xaqiijiyo xaaladda dhabta ah ee dhulka.

Dagaalka ayaa qarxay markii TPLF ay weerareen saldhigyo militari, taasi oo dhalisay weerar weyn oo ay soo qaaday dowladda Abiy oo taageero ka heleysa Eritrea.