Go’aamo Ka Soo Baxay Shirkii Toddobaadlahaa ee Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Kulanka Sabti Ee Todobaadlaha ahaa oo ay isugu Yimadaan Gudida Fulinta Dawladda Hoose Ee Hargaysa, Gudoomiyayaasha Degmooyinka Caasimadda, Maamulka Shirkadaha Nadaafadda iyo Agaasimayaasha Waaxaha kala Duwan ee D.H.H, waxa Ka mid ahaa Qodobadii Ugu Muhiimsanaa ee ay ka wada hadleen .

  1. Marka la gaadho 2 Bisha 11aad 2021 la bilaabo ololaha Caasimadda Lagaga Saarayo Geela.
  2. Marka la gaadho 4 Bisha 11aad 2021 Olole Balaadhan oo wado Banayn ah lagu qaadi doono Wadada Wadnaha laga soo bilaabo Saldhiga dhexe ilaa inta laga gaadhayo Dawladda Hoose ee Hargaysa.
  3. In la dardar galiyo soo xaraynta cashuuraha baaqiga ku ah bulshada si loogu adeego bulshada ku nool Caasimada Hargeysa.