Garabkii Aqlabiyadda UCID ee Wada-hadalka Kula Jiray WADDANI oo Si Rasmi ah ugu Biiray Xisbigaas+ Fariin ay u Direen Taageerayaashoodii

Hargeysa – (warsoor) – Garabkii aqlabiyadda ee ka soo goostay Xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo muddooyinkii dambe wada-hadal u socday Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay ku biireen Xisbigaasi, iyaga oo sida oo kale na ku shaaciyey in maalinta Khamiista ee fooda inagu soo haysa ay qabsan doonaan xaflad ballaadhan oo ay ku muujinayaan cududooda taageero ee ay ku biirinayaan Xisbiga WADDANI.

Garabka Aqlabiyadda Xisbiga UCID, ayaa sidan ku sheegay shir-jaraa’id oo ay si wada-jir ah u qabteen guddiyada labada dhinac ee uu u socday wada-hadalka WADDANI iyo aqlabiyadda UCID, waxaana ay sida oo kale sheegeen in ay taageerayaashooda gudo iyo dibad ba ku war-gelinayaan in ay cududooda taageero ku wada biirinayaan Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ay sheegeen in uu yahay xisbiga kaliya ee ay isku afkaarta noqdeen.

Siyaasi Nuuradiin Ibraahim Aw-Cabdi(Nuuradiin Diini), oo ka tirsanaa garabka aqlabiyadda Xisbiga UCID ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, isaga oo si gaara uga hadlay sababaha keenay in ay garab ahaan ka hadhaan siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ku biiray Xisbiga KULMIYE oo ay markii hore isku garab ahaayeen.

“Maanta waxa soo afmeermay ama soo af-go’ay, wada-hadaladdii mudada dheer noo socday, waxa aan aad iyo aad u boggaadinayaa guddidii wada-hadalada ee dhinacyada, guddidii uu xagga WADDANI ee uu hoggaaminaayey Uurcadde iyo guddidii dhinaca Aqlabiyadda UCID ee uu hoggaaminaayey Sabce oo runtii xilli adag soo shaqeeyey, maanta isku keen keenay ee soo gaadhay qodobada aan ku heshiinay oo haddii aanu nahay garabkii aqlabiyadda UCID aanu ka mid noqono Xisbiga WADDANI. Anagu waxa aanu ahayn UCID ahaan isbedel doon, waxaana aanu mar kasta u jeednay in Xukuumadda dalka ka talisa ee dhibbaatooyinkaa faraha badan ee intii ay dalka haysay soo gaadhsiisay aanu la bedelno, sidaas awgeed waxa aanu go’aan ku gaadhnay in aanan ka mid noqonin garabkii yaraa ee faliidhmay ee uu la go’ay Murashaxayagii Jamaal Cali Xuseen isaga na duco ayaanu raacinay, waxaana aanu khamiista qabsan doonaa Xaflad ballaadhan oo aanu ku muujinayno cududayada aanu ku biirinayno Xisbiga WADDANI.”.Ayuu yidhi Nuuradiin Diini

Guddoomiyahii guddida garabka Aqlabiyadda UCID ee wada-hadalka ku jirtay Xisbiga WADDANI Md.Xasan Cismaan Sabca oo isna halkaas ka hadlay, ayaa iclaamiyey wakhtiga ay qabsanayaan xafladda ay ku muujinayaan cududooda taageero ee ay ku biirinayaan Xisbiga WADDANI.

“Waxa aanu u sheegaynaa in umadda oo dhami ay qaataan sidaas looggu waramay, gaar ahaan reer Maroodi-jeex na ay u diyaar garoobaan maalintaa la qabanaayo xafladdaa weyn, waa maalinta Khamiista ah, waxaana lagu qabanayaa hotelka Guuleed sideeda subaxnimo haddii Alle nafta innoo daayo.”. Ayuu yidhi Sabca

Siyaasi Xasan Cismaan Sabca oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa carabka ku dhuftay in uu ku faraxsan yahay in ay ku biiraan Xisbiga WADDANI isaga oo xusay in guud ahaan ba dadkii wanaagsanaa ee dalka horumrka u horseedayey ay iskugu yimaadeen Xisbiga WADDANI, waxaana uu yidhi:

“Ilaahay baynu ka baryeynaa in uu roob ina siiyo, umaddu na ha oggaato in dadkii barakeysnaa oo dhammi ay meel iskugu tageen ee isbedelka doonayey, waxaana aan lee yahay dadkii na sugaayey aad baad u mahadsan tihiin mudadaas dheer ee aad naga war sugeyseen, anagu na maanan yaraysan ee intaas waxa aanu ku jirnay uun siddii loo midoobi lahaa, waxa baanu ahayn la doonaayey in uu la tartami WADDANI iyo KULMIYE ba, wixii aan anagu haynay iyo farsamaddii aanu is lahayn dalka wax ugu qabta ba waxa aanu ku biirinaynaa oo aanu ku soo kordhinaynaa Xisbiga WADDANI oo iyagu naga oggalaaday wixii fikrad ah iyo wixii aanu lahayn ba, taas baanu ku wada shaqo tagaynaa sidaas ha na loo la wada socdo, maalintaas khamiista na ha la wada diyaar garoobo.”.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn sheegay in ay ka xisbi ahaan aad u soo dhaweynayaan garabka Aqlabiyadda UCID ee ku soo biiray, waxaana uu faray taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee gudo iyo dibad ba in ay soo dhaweeyaan siyaasiyiintaas cududaas weyn ee ku oo biirtay Xisbiga WADDANI.

“Wada-hadalkii noo socday, waxa aanu ku soo gebo-gabaynay in ay nagu soo biiraan bisha 5teeda, aad iyo aad baana aanu u soo dhaweynaynaa haddii aanu nahay Xisbiga WADDANI heshiiskaas aanu wada-galnay garabkaas UCID, dhammaan ba na Xisbiga WADDANI gudo iyo dibad ba waxa aanu lee nahay reer UCID maanta waa WADDANI marka laga bilaabo maanta, ha la soo dhaweeyo, guddiyada goballada, guddiyada laamaha dibadda iyo dhammaan reer Somaliland oo dhan ba waxa aanu ku guubaabinaynaa in ay aad u soo dhaweeyaan garabka Xisbiga UCID.”ayuu yidhi Uurcadde

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Garabkii Aqlabiyadda UCID ee Wada-hadalka Kula Jiray WADDANI oo Si Rasmi ah ugu Biiray Xisbigaas+ Fariin ay u Direen Taageerayaashoodii

Hargeysa – (warsoor) – Garabkii aqlabiyadda ee ka soo goostay Xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo muddooyinkii dambe wada-hadal u socday Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay ku biireen Xisbigaasi, iyaga oo sida oo kale na ku shaaciyey in maalinta Khamiista ee fooda inagu soo haysa ay qabsan doonaan xaflad ballaadhan oo ay ku muujinayaan cududooda taageero ee ay ku biirinayaan Xisbiga WADDANI.

Garabka Aqlabiyadda Xisbiga UCID, ayaa sidan ku sheegay shir-jaraa’id oo ay si wada-jir ah u qabteen guddiyada labada dhinac ee uu u socday wada-hadalka WADDANI iyo aqlabiyadda UCID, waxaana ay sida oo kale sheegeen in ay taageerayaashooda gudo iyo dibad ba ku war-gelinayaan in ay cududooda taageero ku wada biirinayaan Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ay sheegeen in uu yahay xisbiga kaliya ee ay isku afkaarta noqdeen.

Siyaasi Nuuradiin Ibraahim Aw-Cabdi(Nuuradiin Diini), oo ka tirsanaa garabka aqlabiyadda Xisbiga UCID ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, isaga oo si gaara uga hadlay sababaha keenay in ay garab ahaan ka hadhaan siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ku biiray Xisbiga KULMIYE oo ay markii hore isku garab ahaayeen.

“Maanta waxa soo afmeermay ama soo af-go’ay, wada-hadaladdii mudada dheer noo socday, waxa aan aad iyo aad u boggaadinayaa guddidii wada-hadalada ee dhinacyada, guddidii uu xagga WADDANI ee uu hoggaaminaayey Uurcadde iyo guddidii dhinaca Aqlabiyadda UCID ee uu hoggaaminaayey Sabce oo runtii xilli adag soo shaqeeyey, maanta isku keen keenay ee soo gaadhay qodobada aan ku heshiinay oo haddii aanu nahay garabkii aqlabiyadda UCID aanu ka mid noqono Xisbiga WADDANI. Anagu waxa aanu ahayn UCID ahaan isbedel doon, waxaana aanu mar kasta u jeednay in Xukuumadda dalka ka talisa ee dhibbaatooyinkaa faraha badan ee intii ay dalka haysay soo gaadhsiisay aanu la bedelno, sidaas awgeed waxa aanu go’aan ku gaadhnay in aanan ka mid noqonin garabkii yaraa ee faliidhmay ee uu la go’ay Murashaxayagii Jamaal Cali Xuseen isaga na duco ayaanu raacinay, waxaana aanu khamiista qabsan doonaa Xaflad ballaadhan oo aanu ku muujinayno cududayada aanu ku biirinayno Xisbiga WADDANI.”.Ayuu yidhi Nuuradiin Diini

Guddoomiyahii guddida garabka Aqlabiyadda UCID ee wada-hadalka ku jirtay Xisbiga WADDANI Md.Xasan Cismaan Sabca oo isna halkaas ka hadlay, ayaa iclaamiyey wakhtiga ay qabsanayaan xafladda ay ku muujinayaan cududooda taageero ee ay ku biirinayaan Xisbiga WADDANI.

“Waxa aanu u sheegaynaa in umadda oo dhami ay qaataan sidaas looggu waramay, gaar ahaan reer Maroodi-jeex na ay u diyaar garoobaan maalintaa la qabanaayo xafladdaa weyn, waa maalinta Khamiista ah, waxaana lagu qabanayaa hotelka Guuleed sideeda subaxnimo haddii Alle nafta innoo daayo.”. Ayuu yidhi Sabca

Siyaasi Xasan Cismaan Sabca oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa carabka ku dhuftay in uu ku faraxsan yahay in ay ku biiraan Xisbiga WADDANI isaga oo xusay in guud ahaan ba dadkii wanaagsanaa ee dalka horumrka u horseedayey ay iskugu yimaadeen Xisbiga WADDANI, waxaana uu yidhi:

“Ilaahay baynu ka baryeynaa in uu roob ina siiyo, umaddu na ha oggaato in dadkii barakeysnaa oo dhammi ay meel iskugu tageen ee isbedelka doonayey, waxaana aan lee yahay dadkii na sugaayey aad baad u mahadsan tihiin mudadaas dheer ee aad naga war sugeyseen, anagu na maanan yaraysan ee intaas waxa aanu ku jirnay uun siddii loo midoobi lahaa, waxa baanu ahayn la doonaayey in uu la tartami WADDANI iyo KULMIYE ba, wixii aan anagu haynay iyo farsamaddii aanu is lahayn dalka wax ugu qabta ba waxa aanu ku biirinaynaa oo aanu ku soo kordhinaynaa Xisbiga WADDANI oo iyagu naga oggalaaday wixii fikrad ah iyo wixii aanu lahayn ba, taas baanu ku wada shaqo tagaynaa sidaas ha na loo la wada socdo, maalintaas khamiista na ha la wada diyaar garoobo.”.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn sheegay in ay ka xisbi ahaan aad u soo dhaweynayaan garabka Aqlabiyadda UCID ee ku soo biiray, waxaana uu faray taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee gudo iyo dibad ba in ay soo dhaweeyaan siyaasiyiintaas cududaas weyn ee ku oo biirtay Xisbiga WADDANI.

“Wada-hadalkii noo socday, waxa aanu ku soo gebo-gabaynay in ay nagu soo biiraan bisha 5teeda, aad iyo aad baana aanu u soo dhaweynaynaa haddii aanu nahay Xisbiga WADDANI heshiiskaas aanu wada-galnay garabkaas UCID, dhammaan ba na Xisbiga WADDANI gudo iyo dibad ba waxa aanu lee nahay reer UCID maanta waa WADDANI marka laga bilaabo maanta, ha la soo dhaweeyo, guddiyada goballada, guddiyada laamaha dibadda iyo dhammaan reer Somaliland oo dhan ba waxa aanu ku guubaabinaynaa in ay aad u soo dhaweeyaan garabka Xisbiga UCID.”.Ayuu yidhi Uurcadde