Garabka Raadinta Guusha Qaranka ee ay ku Bahoobeen Siyaasiyiin Miisaan leh oo la Midoobay xisbiga KULLMIYE

Hargeysa – (warsoor) – Xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey siyaasiyiin miisaan leh oo ku bahoobay Garabka Raadinta Guusha Qaranka oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin miisaan leh oo kasoo digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Munaasibad si heersare ah loo agaasimay oo maanta lagu soo dhaweeyey siyaasiyiinta, kana qaybgaleen Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, siyaasiyiin miisaan leh, xildhibaanno, haween, siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ku bahowday madasha Raadinta guusha qaranka, taageerayaashooda iyo marti-sharaf kale, waxaana madasha laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweeynayey cudduda cusub ee xisbiga ku soo biirtay, isla markaana lagu iftiimiyey inuu KULMIYE yahay xisbi aan la kala sheeganin, balse loo soo kala horreeyey.

Xubnaha Garabka Raadinta Guusha Qaranka ee xisbiga UCID ka soo baxay oo ay ka mid yihiin xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo Golaha Wakiillada ka tirsan, Guddoomiyihii hore ee xisbiga UCID u qaabilsanaa Gobolka Togdheer Md. Aadan Xuseen Maxamed, Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha Md. Axmed Maxamed Buuni, Xoghayihii hore ee xisbiga UCID u qaabilsanaa Gobolka Togdheer Md. Saleebaan Maxamed, Suldaaan Jimcaale Maxamed Ciise, siyaasi Cabdiraxmaan Axmed Cali, siyaasi Cali Aadan Seed, siyaasi Maxamed Mahdi Buubaa, Caaqil Cabdiraxmaan Siciid Axmed, Suldaan Cabdiraxmaan Ibraahim, Cabdifataax Muuse iyo xubno kale oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday siyaabihii ku kallifay inay ka baxaan xisbiga UCID, kuna biiraan KULMIYE, waxaanay sheegeen inay si wadajir ah u go’aansadeen inay codkooda iyo cuddudoodaba ku dhisaan xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo ka mid ah Golaha Wakiillada, isla markaana hormuud ah siyaaisyiinta cusub ee ku soo biiray KULMIYE, ayaa hadal dheer oo uu ka jeediyey madasha ka jeediyey, waxaanu bulshada u soo bandhigay qardoofooyin sharci oo uu ku kacay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waqtigii uu hoggaaminayey Golaha Wakiillada, waxaannu yidhi, “Waxaan hayaa khiyaano uu WADDANI galay oo qofka gala ee masuul ah ay tahay in maxkamad la taago, taas oo ahayd inuu Guddoomiye Cirro wax ka beddelay xeerka gobollada iyo degmooyinka, waxaana uu is-weydaariyey qoddobka Toddobaad oo ahayd Lix bilood in la soo gudbiyo oo uu u beddelay Lix bilood gudahood.”

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhinaca Amniga Md. Maxamed Muuse Diiriye oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey siyaasiyiinta miisaanka leh ee xisbiga ku soo biiray iyo taageerayaashoodaba, waxaannu ku boorriyey inay u wada guntadaan sidii uu KULMIYE talada dalka mar labaad ugu guulaysan lahaa.
Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey garabka miisaanka leh ee UCID kasoo baxay, kuna soo biiray KULMIYE, waxaannu xusay in awoodooda, cuddudooda iyo codkoodaba xisbiga KULMIYE dhexdiisa looga baahanyahay.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in siyaasiyiinta cusub ee xisbiga ku soo biiray la xuquuq yihiin kuwii hore u sii joogay, isla markaana aanay marnaba qariibnimo dareemi doonin, waxaannu yidhi, “Dhaqanka xisbiga KULMIYE ayaa ah in dadka ka tirsani ay xuquuq siman wada leeyihiin, taladiisa iyo arrinkiisana meel bay uga soo wada jeedaan, idinkuna qariib kuma tihidine shidhkaad saaran tihiin.”

Guddoomiye ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu ka digay tallaabooyin la sheegay inay xisbiga WADDANI kaadhadhka cod-bixinta kaga urursanayaan meelaha ay ku badan yihiin taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaannu tilmaamay inaannu dhaqankaasi dimuqraaddiyadda ku haboonayn, isla markaana aannu KULMIYE dhaqankaas lahayn, “Haddii aynu bahda KULMIYE nahay waxa la doonayaa inay doorashada si nabadgelyo ah ku galno oo qof KULMIYE ahi aannu maalintaas codkiisa la seexanin, warbaahintuna waxa ay qoraysaa inuu xisbiga WADDANI doonayo in meelaha taageerayaasha KULMIYE ku badan yihiin uu kaadhadhka ka iibsado, innaguse dhaqankaas ma lihin,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.