Garabka Dhallinyarada WADDANI oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Dhallinyarta Garabkii Aqlabiyadda UCID ee Dhawaan Ku Soo Biiray WADDANI

Hargeysa – (warsoor) – Garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta hadhimo sharafeed ay ku maamuusayeen sida oo kale na ku soo dhaweynaayeen garabkii dhallinyarada ee Aqlabiyadda Xisbiga UCID ee dhawaan ku soo biiray Xisbigaasi ugu sameeyey Hotelka Xayat ee magaalada Hargeysa.

Kulankan hadhimo sharafeedka ah oo uu isku soo duba-riday Aqoonyahan Cabdiqaadir Saalax Iidle oo ka mid ah xubnaha Golaha Dhaxe ee Xisbiga WADDANI, ayaa waxa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbigaasi Md.Maxamed Siddiiq Cabdillaahi (Dhamme), xoghayaha iyo hoggaanka Maaliyadda garabkaasi, Madaxa Hawl-wadeenada Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI(Cheif of Staff), Xoghayeyaasha Cadaaladda iyo Dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI, Aqoonyahan Xamse Khayre, Bare-sare Mustafe Baaruud iyo weli ba dhanka kale oo ay ka socdeen Siyaasi Nuuradiin Diini, Siyaasi Axmed Bile, Cabdiraxmaan Qowdhan iyo dhallinyar kale oo dhawaan ku soo biiray Xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha garabka dhallinyarada Xisbiga WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Cabdillaahi (Dhamme) oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn sheegay in ay farxad weyn u tahay in casuumad sharafeedan ay ku maamuusaan dhallinyarta garabkii Aqlabiyadda Xisbiga UCID ee dhawaan ku soo biirtay Xisbiga WADDANI, waxaana uu tilmaamay in kulankani uu yahay kulan iskugu jira is-barasho, is-dhex-gal iyo weli ba sida oo kale in ay Xisbiga WADDANI si gaara ugu soo dhaweynayaan dhiiga cusub ee dhallinyartii garabka Aqlabiyadda Xisbiga UCID, isaga oo si gaara ugu mahad-celiyey Aqoonyahan Cabdiqaadir Saalax Iidle oo uu sheegay in uu yahay shakhsiga suurto-geliyey qabsoomidda kulankan isla mar ahaantaana mar walba naf hurnimo maal iyo xoog ba le la dhinac taagan garabka dhallinyarada WADDANI iyo guud ahaan Xisbigaas ba.

Xoghayeyaasha Cadaaladda iyo Ciyaaraha Xisbiga WADDANI, Aqoonyahan Xamse Khayre iyo weli ba sida oo kale Bare-sare Mustafe Baaruud oo iyagu na dhankooda halkaas hadalo kooban ka jeediyey, ayaa ugu horreynย  garabka dhallinyarada Xisbiga WADDANI ku amaanay sida oo kale ku boggaadiyey hadhimo sharafeedan ay u sameeyeen dhallinyarta Garabkii Aqlabiyadda Xisbiga UCID ee dhawaan ku soo biiray Xisbigaasi, waxaana ay sheegeen in tallaabadani ay dar-deg galinayso hawlaha Xisbiga iyo weli ba sida oo kale garabka ku soo biiray Xisbigaasi uu u la jaan-qaadi lahaa qeybaha kala kuwan ee Xisbiga WADDANI, iyaga oo dhanka kale na soo dhaweeyey sida oo kale erayo dhaxal-gal ah u guntay dhallinyarta ku soo biirtay Xisbiga WADDANI ee ka tirsanayd garabkii Aqlabiyadda UCID.

Aqoonyahan Cabdiqaadir Saalax Iidle oo isna hadal kooban halkaas ka jeediyey, ayaa sheegay in uu si farxadle u soo dhaweynaayo garabkaasi, waxaana uu xusay in uu u la dhacsan yahay in Xisbiga WADDANI ay ku soo biiraan dhallinyar bislaaday oo isku darsaday furfurnaan siyaasaddeed, hal-adeygnimo iyo Naf hurnimo uu ku siffeeyey in ay yihiin Xisbiyahanno si aada u fahamsan mucaaraddada iyo waayaheeda ba, waxaana uu rajeeyey in ay qeyb-weyn ka qaadan doonaan dedaalada isbedel doon ee Xisbiga WADDANI uu ku doonaayo in uu ku hanto talada dalka Somaliland.

Ugu dambeyntii na, Siyaasi Nuuradiin Ibraahim Aw-Cabdi(Nuuradiindiini), Siyaasi Axmed Bile iy Cabdiraxmaan Qowdhan oo iyagu na dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahad-celiyey garabka dhallinyarada Xisbiga WADDANI, waxaana ay sheegeen in ka dhallinyaro ahaan ay si aada ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI oo ay tilmaameen in uu yahay Xisbi furan oo u taagan cadaaladda iyo dhallinyarada, iyaga oo sida oo kale na muujiyey in ay si hagar la’aan ah ay habeen iyo maalin ba nafta u huri doonaa siddii uu u guuleysan lahaa Xisbiga WADDANI.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.