Ganaax lagu riday shirkad diyaaradeed oo ku xadgudubtay dad Muslimiin ah

Maraykanka – (warsoor) – Waaxda gaadiidka ee dalka Mareykanka ayaa ganaax lacageed oo gaaraya $50 kun oo doolar, dul dhigtay shirkadda Delta, ka dib markii ay ku xadgudubtay qaar ka mid ah rakaab saarnaa diyaaraddeeda oo Muslimiin ah.

Shirkadda Delta ayaa loo ganaaxay xadgudub ay ku sameysay saddex qof oo heysta diinta Islaamka oo si khasab ah looga saaray diyaarad ay doonayeen in ay ku safraan.

Dadkan ayaa la sheegay in ay mareen goobaha la isku baaro ee shirkadda, Sidoo kalena in mas’uuliyiinta Delta ay u oggolaadeen in ay safraan, balse markii dambe laga dejiyay diyaaradda.

War qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda Delta ayay ku beenisay in ay fuquuqday dadkaas Muslimiinta ah, balse waxaa ay qiratay in xaaladda si ka wanaagsan loo maareyn karay.

Waaxda gaadiidka dadweynaha ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in shirkadaas ay ku xadgudubtay sharciga, waxayna ku amartay in Delta ay shaqaalaheeda siiso tababar la xiriira sida loola tacaalo waxyaabaha la xiriiro dhaqanka iyo diimaha kala duwan.

Dhacdooyinka ay la kulmeen sadexda qof ayaa kala dhacay marar kala duwan, waxaa mid ka mid ah ay dhacday bishii Luulyo ee sannadkii 2016-kii, xilligaas oo qoys Muslimiin ah laga saaray duulimaadka shirkadda Delta.

Mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa sheegay in uu aad ula yaabay dabciga qoyskaas Muslimnimada ay ka muuqatay, wuxuuna intaa raaciyay in uu ka shakiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.