FIFA oo lagu cadaadinayo in Koobka Adduunka ay ka Saaraan Xulka Qaranka Iran

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa wali lagu cadaadinayaa in Koobka Adduunka ee toddobaadka dambe bilaabmaya ay ka saaraan xulka qaranka Iran, ka dib markii uu dalkaasi xoog u adeegsaday mudaharaadeyaasha dumarka u badan oo bilihii u dambeeyey ka socday Tehran.
Madaxweynihii hore ee FIFA, Sepp Blatter ayaa sheegay in ay tahay lama huraan tahay in Iran laga saaro Koobka Adduunka, isaga oo ku eedeeyey inay meel kaga dhacayso xuquuqda aadanaha.