FIFA oo Go’aan ka Gaadhay Goolkii ay ku Muransanaayeen Ronaldo iyo Bruno Fernandes

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaas shaacisay in goolkii ay ku muransanaayeen xiddigaha reer Portugal ee Cristiano Ronaldo iyo Bruno Fernandes, in si rasmi ah loogu aqoonsaday inuu dhaliyey Fernandes, kaddib markii iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda casriga ah ee ku jirta kubadda lagu ciyaarayo, in aanu Ronaldo taabanin kubaddaas.

Cristiano Ronaldo ayaa u sheegay Piers Morgan in uu kubadda taabtay oo uu isagu dhaafiyey goolhayaha xulka qaranka Uruguay ee Sergio Rochet daqiiqaddii 54aad, hase yeeshee Adidas ayaa war ay soo saartay ku sheegtay, in aaladda ku jirtay kubaddu ay xaqiijinayso in aanu Ronaldo taabanin kubadda.

FIFA ayaa intaa ku dartay, in goolkaas si rasmi ah loogu diiwaangeliyey Bruno Fernandes oo ahaa ciyaartoyga marka hore soo laaday ee kubadda u dhigayay Ronaldo, balse laadkiisii uu ka dallacmay Cristiano oo uu sidaas ku dhashay.

Garoonka Lusail Iconic Stadium, ayaa uu Ronaldo ku dhax dabbaal-degay markii uu goolku dhashay, waxaana uu sidoo kale ciyaarta kaddib ku dooday inuu kubadda taabtay isaga oo farriin qoraal ah u diray wariye Piers Morgan oo ay saaxiibbo yihiin.

Bruno Fernandes ayaan marnaba ku doodin inuu dhaliyey goolkan, waxaana uu sheegay inuu rumaysan yahay in Cristiano Ronaldo uu goolkaas dhaliyey, maadaama uu u dabbaal-degay.

Sawirrada Cristiano Ronaldo ee markii uu isku dayay inuu kubadda madaxeeyo ayaa waxay muujinayaan iyadoo timihiisu taabanayaan, laakiin FIFA iyo Adidas ayaa isku raacay in aanu Cristiano Ronaldo si buuxda u taabannin kubadda.