Fariinta Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ee 18 May iyo Abaaraha

Hargeysa – (warsoor) – Madaxwyene ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed muqaal ah oo ku kaga hadlay xaaladda dalka ku sugan yahay iyo sababta ay xukuumaddu xuskii 18 May u badashay.

Halkan ka akhriso ama ka daawo:

Waxaan Ilaahay ugu mahadnaqeynaa inuu inoo shubay raxmaadkiisa abaartii kululeydna inaga jabiyay. Sidaad la socotaan dalka intiisa badan  roobabkii way wada gaadheen, abaartu se waxay inagaga tagtay riiq aad u dheer oo wakhti ina sii heysanaysa.

Waxaan ku hambalyaynayaa shacabka reer Somaliland gudo iyo dibedba sidii wacneyd ee aan u taakulaynay dadkeeni abaartu ay halakeysay hadday tahay ganacsato, qurbejoog iyo haddii ay tahay madaxda kala duwan ee qaranka ee lacagta ku bixiyay sidii loo taageeri lahaa dadkooda.

Ummadda reer Somaliland waa ummad isku tashata waxaanu idinku hoggaaminay inaynu isku tashano markii sannadkii hore abaartu dilaacday inagoo aan tii horeba ka soo kaban wataan isku tashay intii aan sugeynay qaylo dhaantii bulshada caalamka, degdegna aynu ku ururinay laba milyan oo dollar oo halmilyan xukuumaddu bixisay inta kalana ganacsatadu bixisay taaso keentay in wax lala gaadho dadkii aabaartu haleeshay.

Guud ahaan waxaan ugu mahadnaqayaa shacabka Somaliland iyo dhamaan ciddii gacan ka geysatay iyo waddamada aanu jaarka nahay Jabuuti, Ethiopia, Sucuudiga, Imaaraadka iyo beesha caalamka oo walow ay soo dib dhaceen hadana gacantoodu na soo gaadhay hadday noqoto cunto,biyo dhaamis iyo daaweynba.

Waxaan ugu baaqaynaa shacabka in aynu maanta marxalad adag ku jirno oo ah sidii aan uga soo kaban lahayn abaartaa xoolaheenii ku dhamaadeen sidaa daraadeed Waxay xukuumaddu go’aamisay in dabaaldegii 18 may ee qarannimada maalintii gooni isu-taaga somailand lagu dhawaaqay in aynu u badelno soo kabashada abaarta oo halkii aynu ka dabaaldegi lahayn ee aynu xaflado ka samayn lahayn inaynu u baddelno taakulaynta dadkeena abaartu ay saamaysay gudo iyo dibedba.

Waxaanu markaa qorshaynay in lacag xaddi badan ah laga helo shacabka meel u joogaba, dowlad ahaana aanu dib isku baadh-baadhno si aynu u xoolayno dadkii xooluhu ka dhaamaadeen, biyahaa ina dhaafayana intii itaalkeena ah ee aynu qabsan karno aan qabsano wixii wax soo saar ah dhanka beeraha aanu wax ugu qabano ayaynu u qaadanay soo kabashada abaartii inagu daba dheeraatay.

Sidaa daraadeed waxaan reer Somaliland ugu baaqayaa meel ay joogaanba inay ka qayb qaataan soo kabashadaa abaarta gaar ahaan qurbajoogtu in qoys walba uu qoys dadkeena reer Somaliland ah uu kafaalo qaato.

Waxaan leeyahay waa inaan ciyaartii iyo dabaaldagii aad u badeshaan taakuleynta  dadkeena ay abaartu halakeysay ee ay xoolihii ka dhamaysay oo u sii baahan muddo inta neefkoodu u soo noolaanayso in cunto la siiyo intaa markay ka soo kabtaana dib loo xooleeyo.

Hawl badanbaa inoo taalla waxaan mar labaad iyo mar seddexaadba idinku adkeynayaa inaad ka qayb qaadataan abaartan dabada dheeraatay sidii aan uga soo kaban lahayn oo nin waliba wixii itaalkiisa ah uu ku daro,ilaa ardeyga uu hal doolar kaga qaybgalo, taasi oo ina tusaya in aan tijaar uun xoogga la saarin ee cidwaliba wixii ay awooddo ay ku tabarucdo.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.