Fariinta madaxweynaha Somaliland ee Xuska 18 May iyo Abaaraha Xiligan

Hargeysa – (warsoor) –  Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta soo saaray fariin muqaal ah oo ku saabsan xuska 18 May, madaxweynaha ayaa xuskiisan ku sheegay in damaashaadkii 18 May ee sanadkan 2017 loo badalay mid qaadhaan loogu uruurinaayo dadka ay abaaruhu aafeeyeen ee shacbiga Somaliland.

Fariintan madaxweynaha ayaa qoraan ahaan u dhignayd sidan:

Fariinta Madaxweynaha Somaliland Ee 18 May Iyo Abaaraha

 Bismillaahi Raxmaani Raxiim,,,

 Asalaamu Calaykum Wa-raxmatulaahi Wa-barakaatu,

 Mudanayaal iyo Marwooyin,

Xuska Maalinta Qarannimada Somaliland, waa mid ku weyn quluubteenna, mana jirto habayaraatee cid weydeyn kartaa. Hasayeeshee, dabaaldeggii iyo damaashaadkii 18-ka May, 2017-ka, waxaannu u beddelnay in aynu doorkan dareen la wadaagno, isla markaana daryeelno dadkeena abaaruhu toysta iyo tabaalaha u geysteen.

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha  Somaliland, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan, in ay si xil-kasnimo, xamaasaad iyo xasanaad-raadis leh, uga qayb-qaataan qaadhaan uruurinta balaadhan, ee Guddida 18-ka May aan u magacaabay samaynayaan maalmaha qaran ee (18-ka May iyo 26 June) iyo maalmaha bisha barakaysan ee Ramadaan.

Barnaamijka qaadhaan uruurinta, waxa looga gol-leeyahay, si aynu dadkeena ugu caawinno mashaariic waaweyn oo ay kaga soo kabtaan abaaraha aafeeyey. Dhinaca kalena ka hortag u noqon kara abaaraha soo noq-noqda,  Waxaan leeyahay, waa in aynu istaageernaa, oo isku tashannaa, ILAAHAYNA talo saaranaa.

CEELNA UMA QODNA, CIDINA UMA MAQNA

Ugu dambayn, waxa inala gudboon ummad ahaan, in aynu midayno maskaxdeenna, muruqeenna, iyo maalkeenna, isla markaana aynu isu-naxariisanno, si Eebe inoogu naxariisto.

 Wa Billaahi Tawfiiq… 

Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland

Mudane Axmed Maxamed Silaanyo”

Halkan ka daawo fariintan madaxweynaha:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.