Fadhi Baarlamaanka Soomaaliya ee Sharcinimadda Xilka-Qaadista Gudoomiyaa Maxkamadda Sare oo Baaqday

Muqdisho – (warsoor) – Fadhi ay baarlamaanka soomaaliya khamiistii yeesheen ayaa lagu balan-sanaa in lagaga doodo sharcinimadda xilka ka qaadista Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya.

Doodadan ayaa timid ka dib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu Arbacadii xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Maxkamadda sare una magacaabay Gudoomiye Cusub oo hore u ahaa Garyaqaanka Guud ee dawladda Somaliland.

Fadhiga baarlamaanka oo u shir gudoominaayey gudoomiyaha Baarlamaanka Soomalaiya Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaara waxaa fadhigaasi soo xaadiray ilaa 100 xildhibaan. Sida uu sharciga baarlamaanku dhiganaya fadhiga baarlamaanku waxaa uu ku furmi karaa 130 xildhibaan, sidaasi daraadeed gudoomiyuhu waxa uu xidhay fadhigaas maadaama kooramkii buuxsani waayey.

Qaar ka mid ah xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xilka qaadista gudoomiyaha maxkamadda sare aanu awood u lahayn xilka qaadistiisa madaxweynaha Soomaliya ee xilka uu ka qaadi karaan oo kaliya guddida garsoorka dalka.

Baaralamanka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.