FAALO: Xukuumada Somaliland Oo xalka xakamaynta sixirbararka ka raadinaysa meel Qaldan. Cudurka kaagala fardaha hadii laga gubo dameer.!!!!

Sida laga warqabo waxa baryahan danbe qiimo dhac balaadhani uu ku yimiday sarifka lacagta Somaliland ee Shilinka ah taasi oo xoog u saamaysay awooda wax iibsiga ee muwaadinka mushaharka ku qaata lacagta Somaliland. Hadaba dhawaan ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada Somaliland, kaasi oo uu gudoominyay madaxwaynaha dalka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siranyo, si adag looga dooday dhibaatada qiima dhaca ee shilinka Somaliland iyo sixirbararka hadheeyay shacabka, waxaana laga soosaaray qodobo ay ka midyihiin in la joojiyo lacagaha electroniga ah ee looyaqaano Zaadka iyo E.Dahabka ee gabi ahaaanba dalkeena aadka looga isticmaalo. Hadaba dadka ku xeeldheer arimaha dhaqaalaha iyo lacagaha qalaad ayaa talaabadani ku tilmaamay mid aan maanta ku haboonayn xalka la rabo ee ah in lacagta Somaliland ay yeelato qiimo wanaagsan isla markaana qiimaha wax lagu gato uu ku nagaado intii hore. Sabata oo ah qiimo dhaca lagacta Somaliland iyo sixir bararka may keenin isticmaalka Zaadka iyo E.dahabku, balse waxa keenay dhibaatooyin ay ka midyihiin siyaasad iyo hoos u dhac dhaqaale.

Tusaale ahaan waxa mudooyinkan danbe yaraaday lacagaha adag ee dalkeena soogala gaar ahaan Doolarka oo isagu inaga soo galijiray xoolaha badan ee ay ganacsatadeenu inta ay ku iibsadaan Shilinka Somaliland ay u dhoofinjireen wadamada khaliijka, kadibna ay ku iibin jireen lacag adag taasi oo marka danbana ay badeecadaha kaladuwan ay kusoo badalijireen, maata ma jirto waayo xooleheenii waa la joojiyay. Arintaasi waxa ay dhalisay in hada ganacsatadu si ay badeecad u keenaan dalka ay urursadaan doolarkii iyaga oo ku sarifanaya qiimo sare marka ay shilnka kubedelanayaa.

Qodobka labaad ee saamaynta wayn ku yeeshay sixir bararku waxa uu yayahy lacagihii faraha badnaa ee muwaadiniinta reer Somaliland ay xawaaladaha dibada u soo marin jireen eheladoodu ayaa hada xoog u yaraatay markii wadamobadan oo ay kunoolyihiin muwaadiniin reer Somaliland ahi laga joojiyay xawaaladihii, taasi waxa kale oo ay hoos u dhigtay lacagihii adkaa ee dalkeena soo gali jiray, marka uu yaraado doolarka dalka dibada ka soo galaana waxa uu sababaa in uu qiimihii sarifka doolarku ciraka isku shareero, waana sabab ka mid ah waxyaabaha keenay sixirbararka maanta jira.

Dhinaca kale waxa jirta iyana in maalin kasta dalkeena ay ka baxdo ku dhawaad hal milyan oo Dollar taasi oo ganacsatada Jaadku u diraan beeralayda jaadka Ethiopia, waana dhibaatooyinka waawayn ee haysta dhaqaalaha dalkeena iyada oo lacagtaasi ay keentay in shilinkii Somaliland qiimahiisu dhaco dadkuna ay nacaan oo laga doorbido in Dolar wax lagu kala iibsado.

Tan ugu dan baysa Bangiga dhexe ee Somaliland awood uma laha in uu ganacsatada dalka ugu adeego hab caalami ah oo ay ku aaminaan dhigashada lacagta adag waayo maadaama aan Somaliland la aqoonsan. damaanad caalamiya oo lacagaha Dollarka uu ku soo daynsan karo maleh bangiga dalkeenu, sidaa darteedana waxa uu noqday qasnad shilinka Somaliland ay xukuumadu ku urursato oo kaliya, ganacsataduna waxa ay u baahan yihiin in ay helaan damaanad caalami.

Hadaba rutii waxa muhiim ah in xukuumadu ay samayso daraasad qoto dheer, taasi oo ay dhab ahaan ugu kuur galayaan sababaha keena qiima dhaca iyo sixirbararka, ka hor intii ayna soo saarin go aano aanay garanay waxyaabaha ka dhalan kara , sida goaankan ay ku madnuucayaan lacagaha Zaadka iyo Edahabka, oo runtii qayb laxaad leh ka qaatay xa kamaynta sixir bararka, kadibmarkii ay shirkadahaasi bulshada u sameeyeen barnaamijyo ay lacagta Somaliland ku isticmaali karaan muwaadiniintu iyada oo ah electronic.

Gabagabadii waxa aan xukuumada Somaliland u soo jeedinayaa in ay latimaado habab kale oo ay sixir bararka kula dagaala mayso ama  siyaasado la xidhiidha koboca dhaqaalaha dalka, tusaale ahaan waa in xukuumadu ay waftiyo u kala dirtaa wadamada caalamaka kuwaasi oo ku dadaala sidii xoo laheena xayiraada looga qaadi lahaa isla markaasina ay xawaaladaha muwaadiniintu lacagaha soo marin jireen loo ogalaan lahaa, laa kiin hada wuxu u muuqdaa go aankan xukuumadu mid ka dhigan: CUDURKA KAA GALA FARDAHA HADII LAGA GUBO DAMEER DAWADA LAMA GAADHAYO!!! Shacabkuna waxa ay leeyihiin ALLE.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.