Faalo: Dood ‘Maxaa laga filan karaa golaha cusub ee wakiilada’

Dood-wadaag ay si wadajir ah usoo abaabuleen dalladda Sonsaf iyo MM somali tv ayaa ciwaankeegu ahaa (Maxaa laga filan karaa golaha cusub ee wakiilada)

In la doodo oo lagana jawaabo waydiimaha bulshadu waa isku day fiican, runtiina waxay bixinaysaa sawir qurxoon, waana fikrad wacan.

Laba saacadood oo xidhiidh ah ayaa baraha bulshada looga daawanayey si xamaasadaysan, jeer ay daawadayaasha sida tooska ah u daawanayey ay dhaafeen 14000 oo qof, taas oo tibaaxaysa sida ay bulshadu u danaynayso madaxdooda iyo doodaha noocan ah.

Muj Ali Yussuf (cali gurey) oo laga faa’idaysanayey waayo-aragnimadiisa laguna kuunyayo run sheegnimada ayaa kaalin qumman ka qaatay dooddaa, isagoo fariimihiisa dardaaranka u badan dhex marsanaya hadalkiisa.
Xil Omer Jama Farah waa nin muddo dheer ku soo jiray siyaasadda, balse dooddiisa fudayd iyo caadifad ayaa si wayn uga muuqatay, sababtaa oo loo aanaynayo xildhibaan ay isku lid ahaayeen oo si sarbeebaysan u durayey.

Xil Barkhad Jaamac Batuun xaqiiqadu siday tahay, dooddiisa aqoontu ka muuqato ka sokow wuxu ku eekaa mawduuca meesha ku qoran, walow ay filanwaa ku noqotay markii dooddu ka baxday mawduuceega, haddana marnaba xaraaraddiisu may kicin, asluubta hadalkana kamuu tegin.
Xil Xasan Dhuxul Laabsaalax dabcan wuu ku dhex qalooday raggan kale, awrku marku yaryahay hoggaanka ayaa la baraa, waa la laylyaa, marku hayin noqdo ayaa la rartaa, laakiin isaga oo koran buub ah lalama simo gurgurshaaga kale, waxaan rajaynayaa inuu dadaali doono, walow aanuu u muuqan nin kaalintaa buuxin kara, sababtoo ah shaqada goluhu waa sharci-dejin, aqoonteedana isaga iyo rag badan oo la doortayba ma laha.

Xil Ahmed Nour Guruje ku talo-gal ayuu u isticmaalay wajiyo badan, wuxu u muuqday nin dooddan hore u soo akhriyey. isagoo aftahannimadiisa iyo aqoonta sharci adeegsanaya wuxu ka faa’idaystay fursado dhawr ah, taas oo uu ku dhiiraday inuu marba xusbi tummaatida ku hubsado, dooddana laacibkeega ayuu ahaa, wuxuna ka duulayey maahmaahdii ahayd (lafaha gur xarragana ha ka tegin)

Wariye Mohamed Ilig oo ahaa daadihiyaha dooddu wuxu jecleystay inuu xamaasad u yeelo doodda, sinaba umay habboonayn inuu arinta shir-guddoonka dhex keeno doodda, gef ayey ku ahayd inuu ka tallaabsado mawduucii meesha ku qornaa, waydiimihii loo riyaaqi lahaa waxna laga faa’idi lahaa loogana fadhiyey miiska muu keenin, garasho la’aan iyo is yeelyeel waxay ka ahaydba, waxaan ku bogaadinayaa dadaalka uu ugu jiro la tartamidda saxaafadda.

Ugu dambayn waxa ila qumman in la ilaaliyo doodda tiirarkeega sida;
1: in aan mawduuca laga leexan
2: in qof kasta lagu tix-geliyo aragtidiisa
3: in laysku garaabo iyadoo lays difaacayo.