FAAIIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SALIIDDA KALUUNKA

Saliidda kalluunka waa mid ka mid ah kaabisyada cuntada ee inta badan la isticmaalo. Waxay hodan ku tahay omega-3 fatty acids, kuwaas oo aad muhiim ugu ah caafimaadkaaga.

Haddii aadan cunin kalluunka saliidda leh, qaadashada kabka saliidda kalluunka waxay kaa caawin kartaa inaad hesho omega-3 fatty acids oo kugu filan.

Waa maxay Saliidda Kaluunka?

Saliidda kalluunka waa dufanka ama saliidda laga soo saaro unugyada kalluunka.

Waxay badanaa ka timaadaa kalluunka saliidda leh, sida herring, tuna, anchovies, iyo mackerel. Haddana waxaa mararka qaarkood laga soo saaraa beerka kalluunka kale, sida kiiska saliidda beerka ee kalluunka.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu ku talinayaa in la cuno 1-2 qaybood oo kalluunka ah toddobaadkii. Sababta oo ah omega-3 fatty acids ee kalluunka ayaa bixiya faaโ€™iidooyin caafimaad oo badan, oo ay ku jiraan ka hortagga tiro cudurro ah.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in noocyada omega-3s ee laga helo saliidda kalluunka ay leeyihiin faaโ€™iidooyin caafimaad oo ka weyn kan omega-3s ee laga helo ilaha dhirta qaarkood.

OMEGA-3

Waa mid ka mid ah nafaqooyinka jidhkeenu aadka ugu baahan yahay.

WAXA AY TAAGEERTAA SHAQOOYINKA ,HORUMARISAANA CAAFIMAADKA WADNAHA.

-waxa ay hoos u dhigtaa heerka subaga, aad waxa ay u yaraysaa in halbowlayaasha dhiiga qaada in ayna adkaan, cadaadiska dhiigga hoos ayey u dhigtaa.

XANUUNADA MASKAXDA.

dadka qaba xanuunada dhimirka waxa lasiiyaa daawoyin iyo nafaqooyin saliidda kalluunku ay kujirto ,waxa ay korisa maskaxda ,garaadka iyo waxa ay ilaalisaa badqabka maskaxda kana hortagtaa xanuunada ku dhaca.

WAXA AY KA QAYB QAADATAA MIISAAN LUMISTA.

miisaanka saaidka ah waxa uu keenaa xanuun , saliidda kalluunku waxa ay ka qaybqaadataa miisaan lumista.

haddii qofku uu wada sameeyo jimicsi ,cunto nafaqo leh iyo in uu cuntooyinka ku isticmaalo saliida kaluunka miisaanka bada n uu ka dhacayaa.

CAAFIMAADKA INDHAHA.

kalluunku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka dheeliga tiran ee u wanaagsan indhaheena sidoo kale waxa uu ka hortagaa dhammaan xanuunada ku dhaca indhaha.

CAABUQA .

Caabuqa kale duwan ee ku dhaca jidhkeena waxa kalluunka iyo salliidiisu ay u tahay ka hortag, waxa ay culimada nafaqadu aad u xusaan caabuqa ku dhaca kale goysyada lugaha iyo gacmaha.

CAAFIMAADKA MAQAARKA.

Caafimaadka maqaarka waxa uu u yahay kalluunka iyo salliidiisuba mid qurxisa maqaarka ka biisa coodh-coodhka sidoo kalena maqaarka ka ilaalisa qarqaraxa iyo dildilaaca.

HOOYADA UURKA LEH.

Hooyada uurka leh iyo ilamaha aadbay ugu wanaagsantahay maadaama ilmaha yar uu ku jirayo korin, hooyadaa dawooyinka fiitamiinada ah ee xilliga uurka ay qaadanayso ayey ku dhex jirtaa.

daawadan hooyada uurka leh marka lasiinayo waxa lagala tashanayaa dhakhtar.

WAXA KALE OO AY INOO QABATAA SALLIIDA KALLUUNKU:-

  • isku buuqa oo ay yarayso.
  • caafimaadka lafaha oo ay dhisto.

SIDEED UQAADANAYSAA?

Haddii maalin ama laba cisho isticmaalin salliidda kalluunka waa in aad isticmaasha kiniinada laga sameeyey oo loo yaqaan fish oil(inta aanad qaadan la xidhiidh dhakhtarkaaga).

YAA QAADAN KARA?

-Dadka la nool xanuunada jiitama sida macaanka , dhiikarka , kelyo xanuunka iyo xanuunada lafaha ku dhaca.

-Hooyada uurka leh.

-Dadka la nool xanuunada wadnaha.

-Dadka la nool xanuunada dhimirka.

NOOCYADEE AYEY KU TIMAADAA?

  • SALLIID.
  • KINIIN.
  • KAABSOOL.