Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Ku Duugan Basasha

Cilmi-baadhisyo badan ayaa banaanka soo dhigay in cunista basasha faa’iido badan oo caafimaad ku lammaan yihiin, inkastoo ay qadhmuunayso urta afka, haddana waxay daraasadahaasi soo jeediyeen in qofku ka cuno xaddi ku filan, sidaa daraadeed haddii aanu qofku hore u cuni jirin basasha, waxa hubaal ah inuu cuni doono, hadduu akhriyo faa’iidooyinka soo socda.

1: Waxa ay daawo u tahay xannuunada fudud ee wadnaha: Basashu waxay daawo ka-hortag ah u tahay xannuunada fudud ee wadnaha, cilmi-baadhisyo la sameeyeyna waxay iftiimiyeen in maadada la yidhaahdo Antioxidant Quercentin oo basasha laga helo ay qofka ka caawiso inuu iska saaro waxyaabaha sababa xannuunada sahlan ee wadnaha ku dhaca.

2: Waxay ka shaqaysiisaa hab-dhiska difaaca (Immunity): Maadada Phytochemicals ee laga helo basasha waxay jidhka ku badisaa Vitamin C, kaasoo u wanaagsan hab-dhiska difaaca cudurrada ee jirka, qofka basal dheellitiran cunana oo cuntada ku darsada waxa uu si fiican isaga difaacaa xannuunada ay ka midka yihiin lafa-garaaca iyo hargabka.

3: Waxay u wanaagsan tahay hurdo la’aanta: Sidoo kale maadada Phytochemicals ee ku jirta basashu waxay daawo u tahay hurdo la’aanta. Qofku markuu cuno basasha ee uu cuntada ku darsado waxa hubaal ah oo daraasado la sameeyey sheegeen inuu hurdo fiican habeenkaas helayo, Dalalka qaar markii uu qofku ka cawdo hurdo la’aan wax yaabaha loo qoro waxaa kamid ah isticmaalka basasha.

4: Waxay gubtaa duxda: Qofku marka uu cunto cuno wuxuu u baahan yahay inta jirku u baahan yahay in aan ahayn uu jirka ka daadiyo, taasna waxa qofka ka caawin karta inuu jimicsi sameeyo amma cuntada ku darsado basal badan.

5: Waxay baabiisa haaraha: Basasha oo uu ku badan yahay Fitamiin C iyo maadooyinka la yidhaahdo antiseptic, waxaanay arrintaasi qofka basasha cuna u saamaxdaa in ay ka baaba’aan haddii uu leeyahay haaraha dhabanada ku yaal, waxaanna qofku basasha oo cayriin ku xoqi kara intuu laba jeex ka kala dhigo dhabannada amma maqaarka madawga ama haaraha ku yaal, amma waxa uu ku qasi karaa caano ciir ah amma la fadhiisiyey inta uu basasha ridqo, waxaannu muddo 10 ilaa 15 daqiiqo ah ku daynaya maqaarka, kadibna biyo qabow buu isaga maydhaya, taasna waxa lagu arkay tijaabooyin iyo daraasado la sameeyey, waxana lagu guulaystay in haaraha basashu jarto.

6: Waxay dheellitirtaa Sonkorta Dhiigga ku jirta: Qofka macaanka qaba waxa inta badan lagula taliyaa inuu cuntada ku darsado basasha, taasina waxay u saamaxdaa in dhiiggiisa xaddiga sonkorta ee ku jirtaa dheellitirmo.

7: Calool-Xannuunka ayey daawo ka tahay: Basasha waxa ku jira waxyaabo daawo ka ah xannuunka iyo garaaca, bakteeriyadana laysa, taasina waxay keentaa in qofka cuna aannu caabuq caloosha ku yeelan, halka ay sidoo kale ka caawiso in gaastariga qofka aanu ku dhicin.

Sidoo kale cilmi baaris la sameeyay sannadkii 2016 ayaa lagu ogaaday in basasha oo casiir laga sameeyo ay hoos u dhigto kana hor tagto bidaarta.

Dhanka Kale basasha ayaa la aaminsanyahay in ay kordhiso biyaha ragga awoodna ay siiso xubinta ragga taas oo ka ilaalisa fashilka sariirta.

FG: walaalaha neceb basasha ha fiirin oo keliya urkeeda, balse fiiri faa’iidooyinka balaaran ee ay leedahay.

basasha waa mid kamid ah qudradaha ugu muhiimsan qudaarta waxaan kula talinaynaa aqristayaasha in ay ka faa’iidaystaaan Isticmaalka basasha si khaas ahna waxaan ugu tilmaamaynaa basasha cad.

Qodobkee Darenkaaga Si Gaar Ah Usoo Jiitay?

Akhriste ugu yaraan hadaad akhrisatay qormadan caafimaad fadlan #LIKE saar si ay walaalaha kale ee boggan ku xiran usii gaarto, haddi aad sii #SHARE garaysid-na kaba sii fiican oo walaalaha iyo saaxiibadaada ayaa waxaad faa’iiday lasii wadaagtay, anigana dhiirigelin bay ii tahay mahadsanidiin.

Hadaad tahay walaal ku cusub boggan, nagula soo biir si aad ula socoto qormooyin iyo muuqaalo xiiso badan.