Faahfaahin Howlgal Kummaandooska Soomaaliya Ay Xalay Ka Fuliyeen Gaalkacyo

Muqdisho – (warsoor) – Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Ammaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in howlgalka oo ay wadajir isaga Kaashadeen Ciidamada Sida Gaarka u tababaran ee Danab iyo Ciidamo gaar ah oo loo tababaray Dowlad Gobaleedka Puntland, lagu qabqabtay illaa Shan ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo uu ku jiro horjeegihii Kooxdaasi u qaabilsanaa dhinaca qaraxyada.

hawlgal_ciidan_soomaaliya

Gen Cali Baashi ayaa intaa hadalkiisa ku daray in horjoogaha la qabtay oo lagu magacaabo Siciid Cabdullaahi Abuubakar “Al Suudan”, oo u dhashay Suudaan, iyo Afar kale oo maleeshiyaadka alshabaab ka tirsan islamarkaana hal guri kawada daganaa magaalada Gaalkacyo.

Howlgalka ayaa qeyb ka ahaa howlgallo kala duwan oo Ciidamada Kummaandooska Soomaaliya ay ka wadaan qaar kamid ah goballada dalka Soomaaliya, laguna wiiqayo awoodda iyo dhaqdhaqaayada kooxda al-shabaab.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.