Everton iyo Liverpool oo Gool La’aan Ku Kala Caraabay

Kooxda Everton ayaa markale ku fashlantay in ay wax guul ah ka gaadho dariskeeda ay sida wayn u xifiltamaan ee Liverpool inkasta oo ay ogayd in Jurgen Klopp uu kooxdiisa labaad kulankan soo safayo si uu xidigaha muhiimka ah ugu dhigto kulanka Man City ee UEFA Champions League.

Kooxda Everton ayaan wax guul ah Liverpool ka gaadhin 17 kulan oo xidhiidh ah iyada fursada ay maanta heli kartay ku fashilantay balse Klopp oo waliba doonayay in kooxdiisa labaad uu guul ku gaadho ayaa hal dhibic ka soo helay Merseyside derby taas oo aan natiijo xun u ahayn.

Labada goolhaye ee Jordan Pickford iyo Loris Karius ayaa badbaadino cajiib ah sameeyay  iyaga oo fursado halis badan ka badbaadiyay Dominic Solanke, James Milner iyo Yannick Bolasie waxayna labada kooxood ku kala baxeen barbaro gool la’aan ah.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood iyada oo xidigo muhiim ahi kulankan ka maqnaayeen kooxda martida ahayd ee Liverpool.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.