Ethiopia oo Ciidamo Badan Geeysay Xadka Sudan

ITOOBIYA – (WARSOOR) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in ay ka fiirsanayaan dhowr talaabo ay qaadi doonaan hadii dowladda Sudan ay sii wado ciidamadeedi ay kusoo kordhinayso dhulka beeraha Fagasha oo laga saaray maleeshiyaad Ethiopian ah.

Abiy ayaa shaaca ka qaaday in wax walba ay doonayaan in lagu dhameeyo wada hadal Diplomasiyadeed waxaana uu sheegay in uu ka dhamaan rabo samirka hadii sida ay hadda wax ku socdaan ay sii ahaadaan.

Dowladda Sudan ayaa sheegtay in Ethiopia ay ugu baaqayso inay kala laabato ciidamada badan ay soo dhoobtay dhinaca Soodinta taa oo ay ku tilmaamtay in ay tahay daandaansi dagaal.

Wasiirka Difaaca Sudan ayaa sheegay in dalkiisa uusan qorshaha ugu jirin dagaal ay dowladda dariska la ah ay lagasho ayna ciidamadeedi dib ula soo laaban doonto marka la xaqiijiyo amaanka beerahii 20ka sano ka maqnaa dowladda Sudan.