Eng Faysal Cali Waraabe oo khudbad Ka Jeediyay Kulan Dadwayne Oo Ka Dhacay Burco

Burco – (warsoor) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa habeenimaddii Salaasada khudbad ka jeediyey Jaamacadda Burco.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka jeediyay Muxaadaro ku taccalluqda Dhaqan-Siyaasadeed-ka Somaliland, Waxaanu dib u milicsaday Gudoomiyuhu Taariikhdii Iyo Maraxilkii adkaa Ee Dalka Somaliland ka soo gudbay, isagoo dul-istaagay Taarikhihii kala gaddisanaa ee Dalku soo maray oo mid waliba waayaheeda Xambaarsanayd.

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Dalka Somaliland ay maanta ka jirto Hogaan-xumo, qabyaaladduna ay marba maraka ka danbaysa cirka isku sii shareerayso.

Gudoomiyuhu wxuu halkaasi ku soo bandhigay Xalal iyo Barnaamij-ka Siyasiga Ee Xisibiga, isagoo ku tilmaamay  Xisbiga UCID in uu yahay Xisbiga qudha ee dalkan ka badbaadin kara dhibaatooyin-ka ragaadiyay ee qabyaaladdu kow ka tahay.

Dhalinyaradii halkaasi ku sugnayd ayaa su’aalo kala duwan ku boobay Gudoomiyaha, Iyadoo Gudoomiyuhuna uu dhamaan Su’aalahaasi ka bixiyay Jawaabo Waafi ah.

Kulankii Xalay ayaa ku soo dhamaaday Jawwi Degen, iyadoo bulshada Reer Burco ay la dhaceen Lecture-Ka Guddoomiyahaa oo ahaa mid dhinacyo badan taabanayaa, Sidoo kalena Ahaa Gudoomiyihii Siyaasigii ugu horeeyay ee Lecture Ka jeediyay Burco.

Guddoomiyaha ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID ayaa Muxaadarooyin ( Puclic Lectrure) sidan oo kale ah hore uga jeediyay Magaalooyinka Hargaysa iyo Boorama.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.