Duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde Oo La Hakiyay

Muqdisho -(warsoor) – Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac Jengali oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa sheegay in Maalinta Arbacada oo ay taariikhdu ku beegantahay 08/02/027 la hakiyay dhammaan Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, maadaama maalinkaas dalka ay ka dhici doonto doorashada Madaxweynaha.
 
Wasiirka ayaa Xusay in iyadoo la fulinayo Amar kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari la joojiyay dhaqdhaqaaqii Garoonka Aadan Cadde si lamid ah sida loo hakiyay isusocodkii gaadiidka magaalada Muqdisho.
 
“Waxaan ku wargalineynaa Shirkadaha Duulimaadyada in maalinta Arbacada la hakiyay duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde, waxaa la xirayaa hawada Muqdisho, waana amar ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya” ayuu yiri Mudane Jengali.
 
Mudane Cali Axmed Jaamac Jengali ayaa Xusay in Tallaabadani aysan saameyn ku yeelan doonin garoomada kale ee dalka, maadaama Doorashadu ay ka dhaceyso Magaalada Muqdisho.
Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.