Duulimaadkii u horreeyay ee Addis Ababa iyo Asmara 20 sano ka dib

Itoobiya – (warsoor) – Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa markii u horray maanta duulimaad ku tagaysa magaalada Asmara iyadoo ka duulaysa magaalada Addis Ababa.

Arintan ayaa qayb ka ah calaaqaadka soo hagaagaya ee Eritrea iyo Itoobiya, ka dib markii ay ku dhawaaqeen in la soo afjaray colaaddii labaatanka sano socotay.

Dadka safraya waxaa ka mid ah ra’iisulwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn sida uu Twitterka ku soo qoray wasiirka warfaafinta ee Itoobiya Axmed Shide.

Senit Teafaye ayaa sidoo kale ka mid ah dadka safraya waana markii koobaad ee ay Eritrea ku laabato tan iyo markii ay Itoobiya tagtay labaatan sano ka hor iyadoo aad u da’yar, waxay wadataa gabadheeda oo saddex bilood jirta si ay u soo tusto waalid keed.

 

Xigasho: BBC SOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.