Dulsaarka Daynta iyo Dheefta iibka Ee Baananka

In dhowaale waxa yeedhay qaylo-dhaan gilgishay inta damiirkoodu nool yahay. Dhiiladan baa ka dhalatey xeerka Baananka  Ribada ku macaamila ee baarlamaanka Somaliland ka doodayo ajandihiisa.

Arrintan baa dood dheer ka dhex curisay  golaha sharci dejinta Soomaliland, unugyada aqoon yahanka ee dhaqaale yahanka ah, culimada shareecada   iyo bulsho weynta  guud ahaanba.  Mugdi weyn ayaa ka abuurmay macaamilka baananka Islaamiga ah, Baananka  Ribada ku ganacsada iyo  waxa ay ku kala soocan yihiin. Waxa isku gedmaday oo la kala fahmi  la’yahay Ribada iyo Muraabaxada (kala macaashka) oo dirkuba iika ka tirsan yihiin.

Waxa tuhun weyn dusha loo saaray culimada shareecada  oo iyagu ka soo hor jeestay baananka Ribada, waxaana loo sibir saaray in ay hiil gaar ah ama difaac  ay maslaxadi ugu jirto iyaga oo toos ah la garab istaageen baananka islaamiga. Aqoon yahan badan oo dhaqaalah bare ka ah , waxana ka dhiga Jaamacadaha dalka ayaa iyaguna ku jiho wareeray  fahamka iyo kala sooca macaamilka labadan jaad ee baananku ku adeegaan. sidoo kale bulsho weynta  la macaamisha baananka islaamiga ah ayaa tashuush , caad iyo xayaabo ka fuushay macaamilkooda ganacsi ee ay la wadaagi jireen baanankaas.

Haddaba si aan u kala furdaamino arrimahan isku murgay, si aynu jid ugu buxino is-diidooyinka kakan ee  ay ku mergadeen in badan oo mujtamca ka mid ah , si ay dab-qulaalis ugu noqoto  xubnaha xildhibeenada baarlamaanka Somaliland oo miidadowsanaya  sawir iska gedmaday oo uga hummaagay  labadan nooc ee baananka.

Waxa aan qalinka u qaatay in aan hawraartayda ka geysto  xaajadan gudaha weyn. ma ihi Fiqi  culuunta shareecada tahan fog ka gaadhay, ee waxaan ahay dhaqaale yahan cilmiga ganacsiga  bartay oo barena ku ah, kuna sar goostey  dhaqankiisa, dhaqaalihiisa, diintiisa  iyo waayaha uu ku nool yahay miisaanka shareecadda.

Qormadan taxanaha noqon doontawa waxaan si waafi ah ugu lafo guri doonaa Iibka guud , anigoo ku dhisaya qaacidooyika madhabka Shaafici, iyo aragtiyaha ama falsafadaha ganacsiga. Iibka ; waa eray ka kooban laba waaxood  iib+ka oo ah magac iyo qodob, waxaanu leeyahay  dhadhan  macne oo qofka afka soomaaligu u ibo baxsan yahay u sameeynaya  faham diir la’ oo cad. Iibku waa dhaqan  iyo macaamil u dhexeeya aadamaha oo dhan , mase aha mid u dhexeeya Allaah iyo aadamiga.

La soco……….
Bare sare . Axmed Muuse Ismaaciil

__________________________________
Mr. Ahmed Muse Ismail
Public Relations Officer at University of Burao.
+252634438672

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.