Dr. Sacad oo caddeeyey inaanu jirin kulan u qorshaysna Madaxweyne Siilanyo & madaxda Ingiriiska

London – (warsoor) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin kulan Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo u qorsheysnaa inuu la qaato madaxda xukuumada Ingiriiska, laakiin, booqashiisu ahayd nasasho iyo inuu dadkiisa la kulmo.

dr-sacad_cali

Dr. Sacad oo ka jawaabayey su’aal weriye Maxamuud Walaaleye ka weydiiyey  warar warbaahinta qaarkood ku sheegeen inaan dawlada Ingiriisku qaabilin Madaxweyne Siilanyo, isagoo ku sugan London ayaa yidhi,

“Ma jirin kulamo uga qorshaysnaa Madaxweyne Siilanyo inuu la qaato madaxda Ingiriiska, mana jirin martiqaad uu ka dalbaday, wuxuu u yimi inuu dadkiisa la kulmo, kuna nasto.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaa hadalkiisa raaciyey, “Markii ugu horeyseyna maaha ee madaxweynuhu sidan oo kale ku yimaado London. Madaxweynayaashu waxay leeyihiin fasax iyo nasasho. Madaxweynuhu dadkiisana wuu arkay fasax nasashana wuu ku qaatay.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaa caawa ka qeybgeli doona kulan loogu magac-daray Ku-Baraaruga Kheyraadka Somaliland oo wada-xaajood iyo su’aalo lagu weydiin doono,  soona qabanqaabiyeen xirfadlayaasha Somaliland, sida lagu baahiyey eventbrite.co.uk.

Kulanka oo wakhtiga fiidnimada ka dhici doona Oxford House, London ayaa lagu sheegay in ardayda reer Somaliland iyo xirfadlayaashu ka heli doonaan fursad ay ku weydiiyaan Wasiir Dr. Sacad arrimaha bulshada iyo siyaasada, si gaar ahna diirada loogu saari doono  maalgashiga dibadeed, aqoonsiga iyo siyaasadaha Geeska Africa, siyaasada Arrimaha Dibedda Somaliland, iyo kaalinta qurbajoogu ka qaadan karaan.

Madasha habeen dambe ayaa la filayaa inay ka soo baxdo talooyin ku aadan kaalinta lagu horumarin karo dhaqaalaha Somaliland, loona abuuri karo shaqooyin dhalinyarada waxbaratay ee dalka joogta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.