DP WORLD oo doonaysa Inay Berbera Ka dhigto Xarunta Warshadaha Iyo Zaadka ee Geeska Afrika

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shirkadda DP WORLD ee Maamuusha Dekedda Berbera ee Somaliland, ayaa doonaysa inay u beddesho Magaalada dekeda leh ee Berbera xarunta Warshadaha, iyo Saadka ee Geeska Afrika isla-markaana laga Daabulo Xamuulka u socda dalka Itoobiya.

Sidaa waxa lagu sheegay War-bixin dheer oo Warbaahinta All Africa ka qortay Horumarika ay ku socoto Dekedda Berbera, taasi oo qorshaha DP WORLD ka leedahay inay noqoto Deked Waraabisa Dalalka aan badda lahayn ee Geeska Afrika.

Shirkadda DP WORLD oo kaashanaysa dawladda Somaliland, ayaa dhawaan furtay Terminal-ka cusub ee Dekedda Berbera ee Koontiinarada, iyada oo ay weli socdaan hawlo lagu sii ballaadhinayo awoodda terminal-ka.

Madaxa Fulinta ee DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem, wuxuu sheegay in Dekedda Berera ay udub-dhexaad u tahay kor u qaadida tartanka ganacsiga Adduunka, isagoo intaa ku daray in kaabayaasha dhaqaaluhu ay muhiim u yihiin dib u soo kabashada dhaqaalaha Somaliland iyo Geeska Afrika, ka dib Xanuunkii Dunida sida weyn u saameeyay ee COVID-19.

“Wejigii koowaad ee balaadhinta dekedda Berbera waxay bilaabantay bishii Oktoobar 2018, markii aniga iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, aanu u gogol xaadhnay si aanu u bilawno dhismaha. Kaliya laba sano iyo badh ka dib, waxaanu haysannaa hanti casri ah, oo heer caalami ah oo casri ah oo gacan ka geysanaysa hagaajinta waxqabadka iyo wax soo-saarka, si loo daboolo baahida sii kordheysa.” Ayuu yidhi Madaxa fulinta ee DP WORLD, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu sharraxay awoodda Terminaalka cusub ee Dekedda Berbera “Terminalka cusub wuxuu ka kooban yahay 400 mitir iyo saddex wiish, wuxuu awood u leeyahay inuu maareeyo maraakiibta sida Koontiinarrada ugu waaweyn ee maanta shaqeeya, wuxuu kordhinayaa awoodda dekedda oo hadda ah inay sannadkii ka soo degaan 150,000 koontiinar, inuu ka dhigo 500,000 Koontiinar sannadkii.”

Madaxa Fulinta ee DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem, waxa kale oo uu sheegay in si loo kordhiyo awoodda dhaqaale ee istaraatiijiga ah ee magaalada Berbera iyo faa iidooyinka ka soo bixi doona, ay Magaalada Berbera leedahay Awooddii ay kula tacaali lahayd korodhka ku imanaya ganacsiga.

Wuxuu sidoo kale, waxa in Shirkadda DP World  ay si xawli ah u horumarinayso Aagga Dhaqaalaha Berbera, waxaanu sheegay in Aagga dhaqaalaha ee Berbera loo qaabeeyay sida Qaabka sida ka Dekedda Jebel Ali  “Waxaa loo qaabeeyey (Aagga Dhaqaalaha Berbera) sida Jebel Ali Free Zone (Jafza), oo ah aaggayaga xorta ah ee Dubai, taasina waxay siin doontaa maalgashadayaasha maxalliga ah iyo kuwa ajaanibta jewi ku habboon oo ah tartan maalgashi iyo ganacsi..” ayuu yidhi Sultan Ahmed Bin Sulayem, isagoo intaa sii raaciyey in Aagga xorta ee dhaqaalaha oo lagu daray awoodda korodhay ee horumarinta dekedda Berbera, ay sidoo kale taageeri doonto Somaliland oo si xawli ah u koraysa iyo Itoobiya oo doonaysa nay xoojiso tartanka dhoofinta ee wax soo-saarkeeda.