DP World iyo Dawladda Itoobiya oo kala Saxeexday Heshiis ku Wajahan Berbera Corridor

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shirkadda DP World iyo Dawladda Itoobiya ayaa kala saxeexday heshiis ku wajahan hirgelinta iyo casriyeynta jidka Berbera Corridor ee isku xidhaya Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo faa’iido weyni ugu jirto Itoobiya.

Sidaasna waxa lagu shaaciyey  war-murtiyeed ka soo baxay Shirkadda DP World  Khamiistii oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Heshiiskaas oo ay Addis-ababa ku kala saxeexdeen Guddoomiyaha Shirkadda DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem iyo Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya Mrs. Dagmawit Moges.

Heshiiskaas oo ay Addis-ababa ku kala saxeexdeen Guddoomiyaha Shirkadda DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem iyo Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya Mrs. Dagmawit Moges.  Waxa kaloo ka mid ah heshiiskaas  bakhaaro waaweyn oo laga dhisayo Marsada Berbera, goobaha Koontiinarrada lagu dejiyo iyo adeegyada gudbinta shixnadaha.

“Horumarinta marinka Berbera Corridoor, wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah marinnada ugu waaweyn ee Ganacsiga, waxaanu faa’iidooyin dhaqaale u leeyahay Itoobiya,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirkadda DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Guddoomiyaha DP World wuxuu intaas ku daray in mashruuca Berbera Corridor  laga heli doono shaqo  abuur cusub, isla markaana soo jiidan doono Ganacsi iyo Maalgashi ballaadhan.

Shirkadda DP World waxay ku maalgalinaysaa marsadda Berbera $442 Milyan oo Doolar, waxana dhammaad ku dhow wejigii koowaad ee ballaadhinta dekedda Bebera, waxaana lagu wadaa in lagu kordhiyo dekedda mustaqbalka 1,000 mitir, si ay sannadkii dekedda uga soo degaan 2 Milyan oo Kontiinar.

Jidka Berbera Corridor ayaa isku xidhaya dekedda Berbera iyo magaalo xuduudda ku taalla ee Wajaale, waxa maalgelinaya Waddadaas Hay’adda Horumarinta u qaabilsan Abu Dhabi iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan UK, waxaana lagu wadaa in Jidkaasi uu dhammaado dabayaaqada sannadkan 2021ka.