Dowladda Trump oo qaxootiga Yaman u ogolaatay in ay Mareykanka sii joogaan

Maraykanka – (warsoor) – qalka Cad ee laga xukumo dalka Mareykanka ayaa sheegay in qiyaastii 1,250 oo qof oo reer Yaman loo ogolaanayo in ay Mareykanka sii joogaan ugu yaraan muddo 18 bilood ah, sababo la xiriira colaadda wali ka jirta dalkaasi.

Dadkani ayaa sidoo kale loo ogolaanaya in ay ka shaqeystaan gudaha Mareykanka muddadaasi 18 bilood ah.

Haseyeseeshe xoghayaha arrimaha amniga gudaha Mareykana, Kirstjen Nielsen, ayaa sheegay in dadka reer Yaman ee loo ogolaanaya in ay Mareykanka sii joogaan aysan ku jirin dadkii Mareykanka soo galay wixii ka dambeeyay billowgii sanadkii 2017.

Qiyaastii 6,000 oo qof oo reer Suuriya ah ayaa sidoo kale billowgii sanadkan loo ogolaaday in ay si ku meel gaar ah Mareykanka u sii joogaan.

Balse maamulka madaxweyne Trump ayaa hakiyay barnaamij kan la mid ah oo u ogolaanayay muhaajiriinta ka yimid waddamada El Salvador, Haiti, Honduras, Nicaragua iyo Suudan in ay Mareykanka sii joogaan.

Hay’adda samafalka ee Oxfam America ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay in dadka qaxootiga reer Yaman ee horeyba Mareykanka ku joogay barnaamijka ku meel gaarka ahi aanan wali loo ogolaan in si rasmi ah loo qaabilo.

Scott Paul oo ka tirsan hay’addaasi ayaa sheegay in arrintani ay walwal badan oo dhanka sharciga ahi ku hayso dadka reer Yaman ee Mareykanka u yimid in ay uga badbaadaan colaadda ka aloosan waddankooda.

Waxa uu intaasi ku daray in taageerada uu Mareykanka siiyo xulufada Sucuudiga uu hormuudka ka yahay ee hawlgalka milatari ka wada gudaha Yaman ay sii abuureyso xaalad bani’aadanimo oo deg deg ah.

Sucuudiga iyo xulufadiisa ayaa dowladda Yaman ka taageeraya dagaalka ay kula jirto fallaagada Xuutiyiinta ee la wareegay gacan ku haynta qeybo ka mid ah waddankaasi oo ay ku jirto caasimadda Sanca.

 

Source: BBC

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.