Dowladda Shiinaha oo wacad ku martay in Mareykanka ay ka aargoosan doonto

Shiinaha – (warsoor) – Dowladda Shiinaha ayaa si kulul uga jawaabtay tillaabadii ugu dambeysay ee ay ku dhawaqday dowladda Mareykanka ee ku saabsanaa liis waxyaabaha laga soo dhoofiyo Shiinaha oo canshuuro dheeraad ah lagu soo rogay.

Bayaan uu soo saaray wasiirka ganacsiga ee Shiinaha ayaa ka digay in ay qaadayaan tillaabooyiin “la mid ah oo adag islamarkana baaxad leh.

Dowladda Shiinaha carabka kuma aysan dhufan nooca tillaabooyiinka ay qaadayso.

Tillaabadan ugu dambeeysay ee ay Mareykanka qaadeen ayaa waxa canshuro dheraad ah lagu soo rogayaa in ka badan 1,300 oo ah alaabaha laga soo dhoofiyo Shiinaha.

Waxyaabaha Shinaha ay Mareykanka u soo dhoofiyaan ayaa waxa dul fuuli doona canshuur dhan 25%.

  1. Shiinaha oo Trump uga digay aqoonsiga Taiwan
  2. Shiinaha oo xabsiga dhigay aasaasayaasha “bangi been abuur ah”
  3. Shiinaha oo kordhinaya kharashka Milateriga

Waxaa jiri doona 60 maalmood oo wadatashi laga samayn doono arrintan ka hor inta aan la dhaqangalin.

Xukuumadda Beijing ayaa sheegtay “in si adag ay u cambaareynayso islamarkana ay si adag uga soo horjeedo.

“Tillaabadan halka dhinac ah waa mid si wayn u jabinaysa mabaa’dida asaasiga ah ee ururka caalamiga ah ee ganacsiga,” ayaa lagu sheegay bayaanka Shiinaha.

Xukuumadda Shiinaha ayaa sheegtay in tillaabada Mareykanka aysan dan ugu jirin labada dal “aysan xitaa u wanaagsanayn danaha dhaqaalaha caalamka”.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.