Dowladda oo si kulul uga hadashay banaanbaxayaal lay rasaaseeyeen Ciidamada Puntland

MUQDISHO – (WARSOOR) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay banaanbaxayaal Ciidamo ka tirsan Puntland ay ku rasaaseeyeen magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in an marnaba la aqbali Karin in la rasaaseeyo dad Shacab ah oo dhigayay dibadbax Nabadeed.

โ€œ Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed ayaa lagu yiriโ€ Qoraalka dowladda.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.

Warkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli 19-kii Bishii febaraayo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay rasaaseeyeen qaar ka mid ah Midowga Misharixiinta iyo taageerayaashooda oo banaanbax nabadeed ka dhiagayay Wadada Garoonka diyaaradaha aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.