Dowladda iyo Shacabka Kenya oo go’aansaday in ay u midoobaan dagaalka Al-Shabaab

Mandheera-Kenya – (WARSOOR) – Shirar looga hadlayo ammaanka iyo sidii meel qura looga soo wada wada jeesan lahaa Dowladda iyo Shacabka Kenya ayaa waxay ka socdaan qeybo ka mid ah Gobolka Waqooyi Bari ee ay Soomaalidu degto.

Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Cali Ibraahim Roba, ayaa faah-faahin ka bixiyay qodobbadii kasoo baxay kulan Shalay ka dhacay halkaasi oo looga hadlayay ammaanka iyo ka hortagga Argagixisada.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la wadaagay qodobbadii kasoo baxay kulanka ayaa sheegay in ay ka Dowlad ahaan xoojin doonaan ilaalinta xadka ay Soomaaliya la wadaagaan, lana kordhin doono kormeerka xagga ammaanka ah ee ay Ciidamadu samaynayaan.

Mr; Roba, ayaa sidoo kale sheegay in la xoojinayo xiriirka ka dhexeeya Shacabka iyo Askarta, lana joogteeynayo kulamada xagga ammaanka, iyadoo la samayn doono Boliis keyd ah oo tababaran, Dad soo gudbiya xogta Al-Shabaab iyo in Ardayda Iskuullada lagu bari doono dhibaada Argagixisada.

Guddoomiye, Cali Ibraahim Roba , ayaa sheegay in ay Bulshada iyo maamulku isla go’aansadeen in ay mas’uuliyad wadareed buuxa iska saaraan sugidda nabad-gelyada Dalka.

Dhowaan ayay ahayd markii ay shirar noocan oo kale ahi ka dhaceen Magaalada Gaarrisa iyo degaanno ka tirsan Waqooyi Bari Kenya, iydoo Shacab iyo maamulba ay isla garteen in si wada jir ah looga hortago Argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.