Dowladda Hoose ee Hargeysa oo Joojisay Waddo Muhiim ah oo Ka Socotay Xaafadda Masallaha

Hargeysa – (warsoor) – Dowladda hoose ee magaalada Hargeysa ayaa joojisay waddo muhiim ah oo ay ka waday xaafadda Masallaha, taasi oo ka imanaysay dhinaca Airportka isla markaana ku dhammaanaysa suuqa wayn ee magaalada. Waxaana halkaasi laga soo qaaday dhammaan qalabkii lagu dhisaayay waddada iyo agabkii kale ee hawshu ku socotay.

Lama garanayo sababta keentay in haatan la joojiyo waddada oo aan la dhameystirin, balse Maayarka Caasimadda Hargeysa Mudane Cabdiraxaman Soltelco ayaa horay u sheegay in waddada ay joojin doonaan haddii aanay dadweynuhu ka qayb-qaadan kharashka ku baxaaya waddada.

Dadweynaha caasimadda Hargeysa gaar ahaan xaafadda ay ka socotay dhismaha waddadu ayaa horay u sheegay in aanay wax lacag ah ku darsanayn dhismaha waddada maadaama cashuur laga qaado isla markaana uu madaxweyne Silaanyo horay u ballanqaaday inuu dhisi doono waddadan.

Dhinaca kale, waddadan ayaa inta la dhisay aanay ahayn sidii markii hore qorshuhu ahaa iyadoo dadweynaha horay loogu sheegay in halkaasi laga dhisi doono waddo laami ah oo tayadeedu aad u sarrayso, balse inta yare e haatan la dhisay ayaa ah mid aan xittaa tayo ahaan wanaagsanayn oo aad u liidata.

Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan caasimadda dalka ee Hargeysa ayaa cabasho xooggan ka muujiya qaabka loo wado dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha gaar ahaan waddooyinka.

Ugu dambeyntii, tallaabadan uu ku dhaqaaqay maayarka caasimadda Hargeysa ee ah inuu joojiyay waddadaas muhiimka ah ayaa sababi karta gadood shacbi oo looga soo horjeedo waxqabadka liita ee dowladda hoose ee Hargeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.