Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo mar kale ka wada hadlay Xadka labada Dal

Balad Xaawo-(WARSOOR)- Guddoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumad Maxamed oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan wada hadalladii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsanaa xal u helista muranka ka taagan xadka labada dal.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulan gaar ah uu dhex maray wafdi ka socday labada Dowladood kuwaas oo ka wada hadlay sidii xal waara looga gaari lahaa arrinkan iyo in la fuliyo qodobadii ay isku afgarteen Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya oo ay ka mid ahayd hakinta dhismaha darbigan.

Sidoo kale, Guddoomye Maxamed ayaa sheegay in ay isla qaateen guddiga dhanka Kenya ku matalaayey wada hadallaladan muhiimadda ay leedahay joogteynta xiriirka labada magaalo ee Balad Xaawo iyo Mandheera, maadaama uu ka dhexeeyo bulshada labadaan magaalo xiriir iskaashi, ganaci iyo is-dhex gal bulsho.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay kalsoonida ay ku qabaan shacabka deegaanku dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xal u helidda muranka sanaddada soo jiitamayey.

“Dedaalka haatan socda aad ayuu u xooganyahay, wakhti kastana si dhaw ayey noogala shaqeysaa arrinkan Dowladda dhexe ee uu hoggaaminayo Maxamed C/laahi Farmaajo. Insha Allaahu heshiiska iyo wada hadallada socda waxaan rajeynaynaa in ay horseedaan Isfahan iyo in aan soo afmeerno muranka taagan.” ayuu yiri Guddoomiyuha

Guddoomiyaha ayaa shacabka deegaanka u diray farrin ku saabsan sida ay uga go’antahay qofkasta oo Soomaali ah ilaalinta iyo dhowrista taako kasta oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed iyadoona arrinka ay heegan ugu jiraan Madaxda Qaranku.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.