Dowlada Soomaaliya oo la wareegtay markab sida gargaar oo ka yimid dalka Turkiga

Muqdisho – (warsoor) – Markabkan oo siday 11-kun oo tan oo cunto ah ayaa ka yimid dowlada iyo shacabka dalka Turkiga, waxaana loogu talo galay dadka Soomaaliyeed ee qaarkood ay baaruhu saameeyeen.

Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa gargaarkan kala wareegtay masuuliyiin ka socday dowlada Turkiga iyo hey’ada bisha case e dalka turkiga oo uu horkacayey safiirka dowlada Turkiga ee Soomaaliya.

Ambasator Olgan Baker safiirka dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo gudaha dekeda warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in gargaarkan ay ugu talo galeen shacabka Soomaaliyeed.

markab_Cunto

“Waxan rabnaa inaad nala aragtaan gargaarkan oo ka kooban 11-kun oo tan oo cunto, waxa uu gargaarkan ka ymid shacabka dalka Turkiga, waxey muujineysaa saaxiibtnimada shacabka Turkiga iyo Soomaaliya”ayuu yiri Mr Olgan Baker.

Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya mudane C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in dowladu si siman gargaarkan ay ugu qeybin doonto dadka Soomaaliyeed, isagoo u mahad celiyey dowlada iyo shacabka dalka Turkiga.

“Waan ku faraxsanahay in dowlada Turkiga shacabka Soomaaliyeed ay soo gaarsiiso gargaarkan, dowlada Soomaaliya maalmaha dhow ayey si siman ugu qeybin doontaa shacabka Soomaaliyeed ee gargaarka u baahan”ayuu yiri wasiiru dowlaha.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.