Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo War-murtiyeed ay soo saareen kaga hadla Xaaladda dalka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxda Dawlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya markii ay tixgaliyeen marxaladda adag ee uu dalku marayo.

Markii ay wada tashiyo qotta dheer la yeesheen Bulshada qaybaheeda kala duwan. Markii ay garawsadeen khataraha dhinacyada badan ee uu dalku wajahayo.

Markii ay arkeen is mariwaaga siyasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka dalka iyo baahida loo qabo in xal deg deg ah la helo.

Markii ay arkeen xaaladaha amni darro ee kusoo kordhay caasimadda Muqdisho maalmihii la soo dhaafay iyo sida ay usii fidayaan. Markii ay garawsadeen in aanay macquul ahayn la sii fiirsado xaaladaha isa soo taraya ee aan farxad galinaynin shacabka Soomaaliyeed.

Markii ay garawsadeen baahida loo qabo qaadashada go’aarno badbaadin kara rnustaqbalka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Waxeey soo saareen war-murtiyeedkan.

1- waxaan ka xunnahay dhacdooyinkii ka dhacay Caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, waxaanan ka tacsiyaynaynaa Dadkii ay wax yeeladdu kasoo gaartay dhacdooyinkaas.

2-dhacdooyinkaas waxaan u aragnaa in ay nasiib-darro ku yihiin hanaanka Dawlad-dhiska Soomaaliya, si gaar ah shacabka ku nool caasimadda Muqdisho oo aan mudnayn in dib loo xusuusiyo waqtiyadii adkaa ee ay soo mareen.

3- waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nooc kasta oo ah muddo kordhin.

4- Waa in doorashada lagu galaa heshiiskii 17-kii september 2020.

5- waa in la joojiyaa meeshana laga saaraa wax kasta oo caqabad ku noqon kara ama horay ugu noqday hirgelinta heshiiskii 17-kii september.

6- Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Maamul Goboleedyada kale ee dalka in ay ka qaatan kaalinta uga aadan sidii loo fulin lahaa  heshiiskii 17- september

7- Madaxda DFS waxaan ka codsaneynaa inay si dhaqso ah u qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah fulinta heshiiskii 17- september si dalku u aado Doorashadii lagu heshiiyey.

8- waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada ay khuseeyaan arrimaha taagan ee Soomaallya in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaansho iyo xasllooni darro taas badalkeedana la muujiyo qalbiwanaag iyo masuuliyad

9- waxaan usoo jeedinaynaa Qaybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida In ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara amni darro kuna ekaadaan waajibaadka qaran ee Dastuurku u cayimay isla markaana aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda.

10- Guud ahaan Shacabka Soornaallyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay meel uga soo wada jeestaan cidkasta oo khatar ku ah amniga lyo wadajirka umadda Soomaallyeed.

11- beesha Calaamka waxaan uga mahadcelinaynaa taageerada joogtada ah ee la garab taaganyihiin Soomaaliya. waxaanan ku dhiirigalinaynaa in ay sii wadaan dedaalkooda.

Mahadsanidin.
Dhammaad