Doorashadii Madaxtooyadda oo Saaka Si Wanaagsan Uga Bilaabantay Dhamaan Goboladda Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Muwaadiniinta Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashadda madaxtooyadda waxaanay kala dooran doonaan saddexa musharaxa ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI.

Dadweynaha Somaliland ayaa si waddaniyadi ku dheehantahay ugu soo dareeray goobaha loo asteeyey inay ka dhiibtaan codkooda, waxanay safar dhaadheer u galeen goobihii ay ka codaynayeen. Codbixiyaasha ayaa qaarkood soo joogsadeen goobaha codaynta 3-dii habeenimo, halka qaarkoodna ay yimaadeen Salaadii subax ka dib.

Doorashadan madaxtooyaddda oo ay ku tartamayaan musharixiinta kala ah Muuse Biixi Cabdi Xisbiga musharaxa madaxweynaha ee xisbul xaakimka KULMIYE, Eng. Faysal Cali Waraabe musharaxa xisbiga UCID, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed (Cirro) musharaxa madaxweynaha xisbiga WADDANI.

Doorashadda waxaa codkooda dhiiban doona 702,089 qof, waxaanay ka dhicaysa 6-da gobola ee Somaliland, waxaa codadka laga dhiibanayaa1,642 goobood oo ku yaala 23 degmo doorasho oo ka tirsan dhamaan lixda gobol ee waaweyn ee dalka.

Doorashadadan waxaa ka soo qayb-galay 60 kormeerayaal caalami ah kuwaasi oo u kala baxay goboladda dalka, sidoo kale waxaa iyaguna jiraa 620 kormeerayaal maxali ah kuwaasi oo ka la socda bulshada qaybaheeda kala duwan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.