Doorashadda Madaxweynenimadda Soomaaliya Oo Muddo Bil ah Dib Loo Dhigay

Muqdisho โ€“ (warsoor) โ€“ Doorashadii madaxweynenimadda ee Soomaaliya ayaa muddo bil ah dib loo dhigay xili ay sii badanayso cadaadiska beesha caalamku ay ka saarayaan dawladda federaalku inay qabato doorashadda xiligii la qorsheeyey.

Beesha Caalamka ayaa tan 1991 isku dayaayey inay dib loo dhisayo dawladda Soomaaliya, ka dib markii ay qab-qablayaashii dagaalka ee Soomaaaliya ay xukunka ka tureen kali-taliyihii Siyaas bare ee muddada dheer Soomaaliya xukumaayey.

xassan

Gudooomiyaha Komishanka Doorashadda Soomaaliya Cumar Maxamed Cabdilaahi ayaa sheegay in doorashadda madaxweynenimadda aanay dhici doonin 30 November, maadama ay dhacays doorashadda baarlamaanka oo lagu waddo inay qabsoonto 23 October ilaa 10 November.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye oo ka hadlay Shirkii Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa sheegay in ay dawladda federaalka ee Soomaaliya ka goโ€™aan tahay in la qabto doorasho xiligeeda la qabto iyadoo hawlaha doorashadda ee 2016.

Wasiir Hadliye ayaa ku sababeeyey dib u dhaca doorashadda in loo baahan yahay in dawladda federaalka Soomaaliya ay magacowdo xubnaha aqalka Saree ee soomaaliya, in sidoo kale isagarad iyo heshiis laga gaadho madax-dhaqameedyadda goboladda qaarkdood iyo arinta la xidhidhad amaanka qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay wali Al-shababa gacanta ku hawsayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.