Doorashadda Madaxweynenimadda Somaliland oo Dib Loo Dhigay

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Somaliland, hogaamiyayaasha saddexda xisbi qaran  iyo komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa isla qaatay in doorashadda dib loo dhigay

Kulankan waxaa doorashadda dib loogu dhigay muddo todoba bilood ah. Doorashadan ayaa la go’aamiyey in la qabto 10 October 2017.

Kulankan waxa sidoo kale lagu go’aamiyey in mar lawadda qabto doorashadda golaha deegaanka iyo golaha wakiiladda Somaliland, waxaana la isla qaatay in la qabto 10 October 2018.

Madaxweynaha Somaliland ayaa wareegto ku soo saaray heshiiskan dib u dhiga doorashadda Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:

Heshiiska Saddexda Xisbi Qaran Iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka

Arbaca, 25/01/2017

Shir ay wada yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Guddida Doorashooyinka Qaranka, Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, oo lagaga arrinsanyo muddaynta Doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deeganka. Falanqayn iyo dood dheer ka dib, waxa si wada jir ah la isugu raacay qodobaddan hoos ku xusan:

  1. In Doorashada Madaxtooyada ee hadda dib u dhacday abaaraha baahsan awgeed, la qabto taariikhdu marka ay tahay 10/10/2017.
  1. In Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ay qabsoomaan isku wakhti, taariikhdu marka ay tahay 10/10/2018.

Saxeexayaasha:

  1. Mudane, Faysal Cali Xuseen                                     ………………………………………

                                                                                             Guddoomiyaha Xisbiga UCID

  1. Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi                          ………………………………………

                                                                                             Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

  1. Mudane, Muuse Biixi Cabdi                                      ………………………………………

                                                                                             Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye

  1. Mudane, Cabdiqaadir Iiman Warsame                                    ………………………………………

(Goob joog)                                                                            Guddoomiyaha Guddida                                                                                                                   Doorashooyinka Qaranka

Allaa Mahad Leh,

Axmed Maxamed Silanyo                                

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.