Doorashada Turkiga: Erdogan oo wajahaya tartan adag

Turkiga – (warsoor) – Cod bixiyayaasha dalka Turkiga ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta ee lagu dooranayo madaxwaynaha iyo gudoonka baarlamaanka oo waqtigeedii laga soo hormariyay, waxaana loo arkaa in ay tahay tdoorashadii ugu adkeed ee soo marta dalkaasi Turkiga.

Haddii uusan ku guulaysan codad ku filan waxa uu wareeg labaad la gaali doonaa Muharrem Ince, oo ah musharaxa midigta dhexe.

Dowladda xisbiga talada haya ee AK ayaa sidoo kale lumen karta aqlabiyadii ay baarlamaanka ku lahaayeen.

Waa doorashadii ugu horeysay ee Turkiga ka dhacda tan iyo intii uu dalkaasi ka dhacay afgombigii dhicisoobay.

Marnaba taariikhdiisa casriga ah waddanka Turkigu sidaan oo kale doorasho uguma kala qaybsamin. Recep Dayip Erdogan-na weligii dagaal doorasho oo sidan u adag lama aanu kulmin.

Hoggaamiyihii taariikhda waddanka Turkiga ugu awoodda badnaa wixii ka dambeeyay aabbihii aasaasay Turkiga ee Ataturk, waxaa uu noqon lahaa mid weli ka awood badan haddii uu doorashada ku guulaysto, isagoo baabi’inaya jagada Ra’iisal Wasaaraha, awoodda baarlamaankana ka dhigaya mid daciif ah.

Laakiin haddii uu gaari waayo 50% codadka doorashada madaxweynaha, waxaa uu wajahayaa wareeg 2aad in la galo oo ay isku noqdaan isaga iyo Muxarram Inje, oo ah musharrax xoog leh ee siyaasadda bidix-dhexe, oo isagu ololaha doorasha mid kulul ka dhigay.

Codbixinta baarlamaanka, mucaarad mideysan ayaa rajeynaya inay Mr Erdogan kala wareegaan aqlabiyadda baarlamaanka.

Madaxweyne Erdogan waxaa uu haatan isu-haystaa nin ay taageerayaashiisu aad u jecel yihiin, mucaaradkiisuna ay aad u neceb yihiin. Cidina ma sheegi karto dhinaca ay doorashadani u dhici doonto.

 

Xigasho: BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.